1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmada Aadan Yabaal.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe oo ka mid ah magaalooyinka ay bilihii laoso dhaafay ciidamada dawladda iyo dadka degaanku ka qabsadeen ururka Al-Shabaab.Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidanka iyo mas’uuliyiinta dadka degaanka sida ay sheegtay warbaahingta rasmiga ah ee dawladda Soomaaliya.

Maalintii shalay ayaa dawladda Soomaaliya ay war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay dishay in ka badan 3 kun oo ka tirsna maleeshiyaadka al-Shabaab, isla markaana la dhaawacay 3,700 kale tan iyo intii gulufka milatari uu bilowday.

Dawladda ayaa sidoo kale war saxaafadeedkaas ku sheegtay in al-Shabab laga qabsaday in ka badan 70 iskugu jira magaalooyin iyo tuulooyin.