1 min read

Run miyaa? Ma ogi. No. 554 Calasey Cabdulle ayaa tiri:

Ka hor intaan Dowladii Kacaanku ka dhisin Taaladaan, waxaa Goobta ku yiil Taalo yar oo ka kooban 3 Dhagax oo waa weeyn oo Hal Dhagax isku ah iyo Beer yar oo lagu nasto.mana jirin Cid isku herysatay.

Markii la dhisay Taaladaan cusub ayaa waxaa Bilaawday is qab qabsi Taariikhdii lagu bedelay. Sawirkii Muqaal ahaa u ekaa Dadkii deegaanka ayaa si kale loo bedelay.

Dhinacee laga fiiri karaa?

Kacdoon dhagax la tuurayo, yaa sameey karo?. Haddii isticmaar xoog leh lala dagaalamayo.

Waxaa Dagaalami karo:

1. Dadka deegaanka Qof ah, oo Saddax fursadood heeysto.
a) Guri uu gadaal ugu cararo.
b) In uu gadaal ku ogahay qaraabo badan oo deegaanka joogto oo u soo gurmanee.
c) in uu jiro Rabitaan iyo Geesinimo.

2. Sida ka muuqato Sawirka Asalka ah ee Taaladda Dhagax tuur, Dharka uu xiran yahay Qofka Taaladda saaran waxa uu muujinaa Dhaqanka Dadka deegaanka.

Caadiyan Qof marka uu tago deegaan uu ku Cusub yahay, kama qeyb qaato Dagaaladda, waxa uuna u labistaa hab ka duwan dhaqanka si uu ugu ekaado Dadka Ajnabiga ah. Halka kuwa deegaanku ey dhowraan Hab dhaqanka iyo Dhar xirashada Deegaanka. ( F.S: 1aad)

3. Beryahaan waxaa soo batay in Abtirsigii (( Halyeeygaa oo u taagan Dhamaan Dadkii Somaliyeed ee Maalintaa ka qeyb galay Dagaalka)) , in loo bedelo Shakhsi gaar ah oo aan la Aqoon, dharkiina laga bedelay, loona ekeeysiiyay Dhalinyarada Maanta ee aan la Socon Taariikhda Dhagaxtuur.(F.S: 2aad)

Taariikhda yaan laga been sheegin, yaan la kala bililiqeeysan. Ha loo daayo Dadkii Goob joogga ahaa kuwoodii Run sheegga ahaa Wixii laga soo min guuriyay iyo Dadka Taariikhda bartay sidii ey isagu xirxiraan Dhacdooyinka Taariikhiga ah.
Intaa ayey ku soo koobtay Calasey Cabdulle.

Run miyaa? Ma ogi.

Qore: Yahya Amir