1 min read

Mucaaradka Puntland oo ka soo horjeestay wareegto uu soo saaray Saciid Deni.

Guddoomiyihii hore ee guddiga kumeelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa sheegay in aanay suuragal ahayn waqtiga uu madaxweynaha maamulkaasi Siciid Cabdullahi Deni u asteeyay inay ku dhacdo doorashada golayaasha deegaanka ee qof iyo codka ah.

Guuleed Saalax Barre, oo haatan kamid ah mucaaradka madaxweyne Deni ayaa intaasi ku daray in wax badan ay ka dhiman yihiin hawlaha diiwaangelinta iyo diyaarinta doorashada.

Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii wareegto madaxweyne Saciid Deni uu shalay soo saaray ku sheegay in 25-ka May ay dhici doonto doorashada golayaasha deegaannada Puntland, taas oo ay hore u qaadaceen qaar kamid ah ururrada mucaaradka.