1 min read

Xaaladda magaalada Laascaanood oo maanta degan.

Xaaladda Magaalada Laascaanood, ayaa dagan shalay illaa iyo maanta.

Magaalada waxaa haatan kusugan ciidan fara badan iyo dhalinyaro.

Waxaa furan bakhaaro dhawr ah, iyo illaa iyo shan maqaaxiyadood, hoteelada furanna waa labo.

Sidoo kale, dhawr kaalimood oo shidaal ah, ayaa iyana furan.

Saddex maalmood dagaal kama dhicin magaalada.

Ciidamada waxey isku hor fadhiyaan dhinaca waqooyiga ee magaalada Laascaanood, oo ka baxsan dhulka deegaanka. Ma jirto haatan wax waan waan ah oo socda.