16 Jan, 2025
1 min read

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo booqasho lama filaan ah ku tagay dalka Kenya.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa gaaray dalka Kenya halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho labo maalmood ah. Ninkan 77 jirka ah ayaa booqasho dhif ah ku tagay dalalka dibadda, dalkiisa wuxuu sanadihii ugu dambeeyay go’doon diblumaasiyadeed. Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebre Meskel ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in madaxweynaha lagu wado in uu kulan la qaato […]

1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku jooga dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Roma ee dalka Talyaaniga oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka faca-weyn ee dalka Soomaaliya uu la leeyahay Talyaaniga. Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay Madaxda dalka Talyaaniga ayaa kulammo la qaadan doona dhiggiisa Mudane Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Giorgia […]

1 min read

Dowladda Uganda oo shaqo-joojin ku sameyneysa mid ka mid ah xafiisyada QM.

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in aysan dib u cusboonaysiin doonin shaqada xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, iyada oo sabab uga dhigtay horumarka awooddeeda oo ku filan inay kula socon karto xaquuqda aadanaha. Warqad ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda u dirtay Xafiiska Wakiilka Sare ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay (OHCHR) 3-dii Febraayo oo ay […]

1 min read

Somaliland oo ka hadashay dagaalka maalintii saddexaad ka socda Laas Caanood.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa xaqiijisay wararka ku saabsan in dagaalka Laas Caanood uu galay maalintii saddexaad. War qoraal ah oo lasoo dhigay bogga Facebook ee wasaaraddan ayaa lagu sheegay in “kooxo xagjir ah ay saaka weerar ku qaadeen ciidamada Somaliland oo ku sugan fariisimahooda.” Ma jiro wax […]

1 min read

Dowladda Soomaaliya oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan xiisadda ka aloosan Laascaanood.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartey war ay ku cadeyneyso mowqifkeeda ku aadan xaaladda magaalada Laascaanood. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa sheegay in dolwadda Soomaaliya ay si dhaw ula socotay shirarka ka socday toddobaadyadii lasoo dhaafay magaalada Laascaanood, oo ay hor kacayeen madaxda dhaqanka. Wasiirka […]

1 min read

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal maalintii labaad ka socda magaalada Laascaanood.

LAASCAANOOD — Dagaallo ayaa maalintii labaad kasii soconaya magaalada Laascaanood gaar ahaan agagaarka Burta Sayidka. Madaafic iyo rasaas fudud ayaa dadka degaanku sheegeen in dagaalkan la isku adeegsanayo. Dagaalka ayaa billowday shalay ayada oo mas’uuliyiinta Somaliland ay sheegeen in ciidankooda lasoo weeraray, halka odayaasha deegaanka ay ku warrameen in weerar ay soo qaadeen ciidamada Somaliland. Dagaalka […]

1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh “In maanta rabitaanka dadka qori lagu xaliyo suurta-gal ah ma ahan, rabitaanka dadka ha la ixtiraamo…”

MUQDISHO — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka maalintii ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Dagaalkan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ayaa waxaa illaa hadda ku dhintay 13 qof ayada oo 40 kalena ay ku dhaawacmeen, illaa hadda inta la xaqiijiyey. Wararka qaar […]