1 min read

Dhul-gariir ka dhacay mid ka mid ah dalalka Khaliijka.

Xarunta ka digta dhulgariirada ee Jaamacadda Sultan Qaboos ee Saldanada Cumaan ayaa sheegtay in dhulgariir cabarkiisa lagu qiyaasay 4.1 uu ka dhacay maanta magaalo xeebeedka Duqm, oo koonfur-galbeed ka xigta caasimadda Muscat.

Booliska Cumaan ayaa boggooda rasmiga ah ee Twitter-ka ku sheegay in aysan helin wax war ah oo muujinaya dhaawacyo ama khasaare ka dhashay dhul-gariirka.

Xilli dhulgariirkii ku dhuftay dalka Turkiga iyo Suuriya ay ku dhinteen kumannaan qof ayaa waxaa xarumaha la socdka dhul-gariirada ee caalamka ay isku dayayaan in ay ogaadaan dhul-gariir kasta oo soo fool leh si loo yareeyo khasaaraha.