1 min read

Dagaal & duqeymo saakay ka socda Laas-Caanood.

Dagaalka oo xoogiisa uu ka socdo banaanka magaalada ayaa la sheegay inay soo qaadeen Ciidamada maamulka Somaliland islamarkaana ay weerareen xarun ciidamada deegaanka ay ku leeyihiin banaanka magaalada sidaana uu dagaalku ku qarxay.

Waxaana daryanka hubka ay is weydaarsanayaan dhinacyada laga maqlayaa magaalada iyo banaankeeda iyagoona la soo werinaayo inuu jiro khasaara kala duwan oo ka dhashay dagaalka maalintii shan iyo tobanaad ka soconaaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

Waxaana duqeymaha ay ciidamada Somaliland ku garaacayaan magaalada ku bur buray guryo iyo goobo ganacsi oo ku yaala magaalada.

Somaliland ayaa dhankeeda ku eedeysay dagaalka laba todobaad iyo dheeraadka ka socda magaalada Laascaanood ciidamada deegaanka oo ay sheegtay inay soo weerareen fariisin ciidamadeeda ay ku leeyihiin banaanka magaalada.