1 min read

XOG:Tahriibeyaal lagu la’ yahay xeebaha liibiya lana maleynayo in ay dhinteen

73 qof oo tahribeyaal ah oo lagu la’yahay loona maleynayo in ay ku dhinteen xeebaha Liibiya.

Ugu yaraan 73 tahriibeyaal ah ayaa lagu la’ yahay lana filayaa in ay dhinteen ka dib markii doonni ay la socdeen ay ku degtay xeebaha Liibiya , sida ay sheegtay hay’adda caalamiga ah ee isu socodka Adduuna ee IOM

Wararka ayaa sheegaya in toddoba qof ay ka badbaadeen burburkii doonta laakiin xaaladda ayaa aheyd mid aad u adagsida la soo weriyey .

Ilaa haatan 11 meydad ah ayaa la soo saaray oo ay heleen boliiska iyo bisha Cas ee liibiya .

Doonta ayaa ku sii jeeday waxa ay IOM ugu yeertay goobaha ugu dhimashada badan ee la isaga gudbo dhinca badda

In ka badan 130 qof ayaa sanadkii hore ku dhimatay halkaasi iyagoo ku jira safarada qatarta ah ee badda Mediterranean-ka .

IOM ayaa intaasi ku dartay in in ka badan 1, 450 dhimasho ah la diiwaangaliyey sanadkii horeayna arrintani tahay mid aad u culus.

“Xaaladda waa mid aan loo adkeysan Karin “ ayey tiri Safa Msehli oo u hadashay IOM .

Waxaa ay sheegtay in loo baahan yahay in la kordhiyo dadaalada barista iyo soo badbaadinta lana helo qaab badbaado leh oo loo tahriibi kao lana yareeyo safarada qaarta ah