1 min read

Beenu raad ma leh!!!. =fadeexad Saxaafadeed=

Cali Aadan Muumin ayaa Bartiisa Facebook Subaxaan ku soo Qoray: waxaa geeriyooday Senetor Xaji Muse Suudi Yalaxow kadib markii uu ku soo booday Dhiig kar deg deg ah. Waxa uu ka naxay Lo’dii ey qashay Dowladda Hoose.

Qoraalkaa Dad badan ayaa ka naxay, Dad badan oo laga yaabo in uu ka mid yahay Cali Adan Muumin weey ku farxeen.

Ma Qumaynimaa?. Ma neceybaa? Ma been abuuraa?

Taas waxa aad ku dhuminee Akhristayaashii ku tixnaa Boggaaga ee kuula baxay Cali Qarax quute.
Markii aan Akhriyay Qoraalkaaga si deg deg ah ayaan u raadiyay xaqiiqda warkaan. Waxaan wacay meela badan kadibna Xaajigii Naftiisa ayaa iga qabtay.

Waxaan ku soo noqday Facebook-gii Cali Aadan, waxaan arkay isla markiiba in uu ka saaray.

Caliyoow iska hubi meelaha aad ka hesho wararka iskana ilaali in aad Adiga magacaaga uu ku soo baxo hadal been abuur ah.

Geerida Allaah ayaa hayo, xaajiguna waa dhiminaa haddii la gaaro saacadii Allaah u qoray in uu geeriyoodo, wakhtina loogu darimaa.

Qore: Yahya Amir