1 min read

Luqadda Tukaha yaa yaqaan?

Noolaha Dunidaan Allahii ku Abuuray, qaarba waxa uu siiyay Luqad, Shanqar, iyo waxyaabo kale oo ey ku xariiraan.

Tukaha oo ka mid ah Noolahaa waxaa Allaah uu siiyay cod ey isku garataan.
Nin u dhashay Dalka Jabaan ayaa muddo Daraasad uu ku sameeyay Luqadda Tukaha, Waxaa uu ururiyay Shanqar kala duwan ee Tukuhu isagu baaqo iyo falalka xigo oo ey sameeyaan Xiriirka ka dhexeeyo, kadibna waxa uu qoray qoraalka tarjumidda Luqadda Tukaha. ( wixii ka soo baxay Cilmi baaristaa la xiriirto Luqadda Tukaha Mar kale ayaan idinla wadaagi doonaa, haddii Alla idmo)

Hore Somaliya waxaan u naqiin Tuke leh. Qoo, Qoo, Qoo Shanqar u eg. Maanta waxaan dhax galay koox Tukayaal ah oo leh: Cuu, Cuuu, Buuu, Buu, Buu. Ciiiii, Biiiii, Biiiii, CBB. ( F. S: 1aad)
Maxey ula jeedaan? Luqadda Tukaha jabaan, waa la fahmaye.
Yaa yaqaan oo ii fasiri karo, Luqaddaa Tukaha Somalidu uu Maanta igula hadalay ee Ciiiii, Biiiii, Biiiii?

Qore :Yahya Amir