1 min read

DFS oo amar ku soo rogtay Hay’adaha Gargaarka ee ku shaqeeya dalka dibaddiisa

Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku wargelisay hey’addaha gargaarka iyo kuwa horumarinta ee mashaariicda ka fulinaya Soomaaliya inay si buuxda ugu soo wada guuraan dalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in laga bilaabo (30 Janaayo 2023 illaa 31 Maarso 2023) iyadoo la tixgelinayo xaalada amni ee dalka oo soo hagaageysa kaddib howlgalada guuleystay ee ka dhanka ah Al-Shabaab hay’adaha laga doonayo inay ku Shaqeeyaan Soomaaliya.

”Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo orumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda
Federaalka ah ee Soomaaliya waxay dhambaal bogaadin ah u direysaa dhammaan hey’adaha gargaarka iyo kuwa horumarinta ee mashaariicda ka fulinaya Soomaaliya, waxayna ku wargalineysaa iney xafisyadooda maamula mashaaricda Soomaaliya iney si buuxda ugu soo wada guuraan dalka Somaaliya laga billaabo 30-ka Jannaayo 2023 ilaa 31-ka Maarso, 2023, iyadoo la tixgalinayo xaaladda amni ee dalka ee soo hagaageysa
kaddib howgallada guuleystay ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Wasaaradda Qorsheynta ayaa sheegay inay heegan u tahay iney hey’adahaas ka caawiso, una fududeyso, iney dalka usoo guuraan.

” Wasaaradda Qorsheynta, lyada oo fulineysa amarrada Golaha Wasiirrada ayay waxay tallaabooyinka ku habboon ka qaadi doontaa hey’adaha fulin waaya amarkan, si degdeg ahna dalka ugu soo guuri waaya.

Sidoo kale, Dowladda Federaalku waxay la socodsineysaa hey’adaha gargaarka iyo kuwa
horumarinta iney shirarkooda iyo tababarradooda ku qabsadaan gudaha dalka, si ay u taabba galiyaan usoo guurista dalka.

Ugu dambeyn Wasaaradda ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka go’an iney dardar galiso howlaha
xasilinta deegaannada dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab, sidaas darteedna dowladdu ay dooneyso iney si dhow ula shaqeyso hey’adaha gargaarka iyo kuwa horumarinta.