1 min read

Somaliland oo si adag ugu jawaabtay Maraykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag ugu jawaabtay safiirka Maraykanka u fadhiya magaalada Muqdisho kaas oo ay ku eedaysay mid si cad indhaha uga laliya adeegsiga magaca Somaliland isla markaana ku sheega in ay tahay gobol ka tirsan Soomaaliya.

War ay wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ku daabacday barteeda Twitter ka ayaa lagu yidhi “Lama aqbali karo in Larry Andre oo ah danjiraha Muqdisho ee Maraykanku in uu si joogta ah uga dheeraado magaca saxda ah ee Somaliland isla markaana uu ka soo qaado gobol ka tirsan Soomaaliya isla markaana uu magaalada Berbera raaciyo Soomaaliya. Isaga oo og in aanay Somaliland ka mid ahayn Soomaaliya.