1 min read

Ma jecleeysan wixii aan Maanta arkay.

Somaliya Baahi mise Baasa La’aan, Maanta waxaan arkay muuqaal aanan ku farxin. Maalmahaan waxaa kacsan dabeyl. Magaaladda Mogadishu waxaa meel kasta yaal Kalluun lagu iibinayo waddooyinka dhinacooda iyo Xaafadaha iyada oo la naadinayo, si loo helo Cid laga iibiyo.

Galabta waxaan arkay, wax aanan ku farxin. kalluunkii oo ku baaray kalluumeysatadii oo qaar Waddada ey uga tagayaan. Degmada Wadajirna meel u dhaw Suuqa weyn, markii ey waayeen cid ka gadato ayeey saareen / isaga Dul tuureen Baabuurta Qashinka si loo geeyo Qashin qubka Magaaladda banaankeeda ah, iyaga oo leh Berri ma gaarayo waana halaaba, meel lagu keeydiyana male, Dowladda hoose nooma diyaarin Qaboojiyihii weynaa ee aan hore u codsanay.
Kiiladdii waxa ey aheyd 1 Dollar Subaxii, hadda waa Galab nus Dollar kiiladii cid naga siinee male. Maxaan sameynaa?.

Kalluumeysatadu waxa ey leeyihiin: Kalluunka Dadku ma wada cunaan, Baahidii Suuqa wax ka badan ayaana la soo saaraa. Maxaan sameynaa, Annagiina ma keydsan karno, Ajnabigiina waa guranayaa!!!.

Somaliya ma Baahiyaa ka jiro, mise Baasa la’aan, ma basar xumo, ma beekhaamin la’aan, ma Qorsha xumo iyo qaajaa ka jirto ee Quud la cunu lama weyn ?.

Runtii ma jecleeysan wixii Galabta aan ku arkay Xaafadeeyda.

Adiga Xalku maxuu kula yahay?

Qore: Yahya Amir