1 min read

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay sababta loo xiray Mustafa Cali Caanood.

Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya  ayaa soo xiray Mustafa Cali Caanood oo dowladdu sheegtay in uu yahay  shaqsi faafiya Fikirka Al-Shabaab, kaas oo baraha bulshada ku faafin jiray Muuqaalo uu iska soo duubay.

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Iyada oo laga duulayo go’aanka dowladda ee la xiriira ciribtirka fikirka marin habaabinta ah ee Al-Shabaab ayaa Ciidamada Amnigu xalay oo ku beegnayd 13-11- 2022 soo xireen Mustafa Cali Caanood oo ah shakhsi caadeystey fidinta fikirka Al-Shabaab.

Hawlgalka lagu qabtay Mustafa ayaa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana la qabtay xilli uu isku dayay in uu ka baxsado Ciidamada Amniga. Mustafa Caanood ayaa ah shakhsi caadaystay faafinta fikirka Shabaab , waxaana fariimihiisu ahaayeen kuwa loogu talo-galay in lagu marin habaabiyo dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa lagu yiri” Qoraalka Wasaaradda Warfaafinta.

Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in Mustafa la horgeyn doono  sharciga si loogu soo oogo dembiyada lagu eedeynayo, isla markaana  Dawladda Soomaaliya ay mar kale ku celinayso in ay mamnuuc tahay nooc kasta oo ah faafinta iyo dhiirigalinta afkaaraha  Al-Shabaab, kuwaas oo dowladdu sheegtay inay yihiin kuwo loo adeegsadey in lagu laayo boqolaal shacab ah oo aan waxba galabsan.

Waxaa kale oo reeban nooc kasta oo ah la macaamil iyo gacansiinta Al-Shabaabka naf la caariga h Dawladdu waxay uga mahad celinaysaa shacabka Soomaaliyeed doorkooda dagaalka kadhanka ah Al-Shabaab ayaa lagu soo geba-gabeeyay “ Warsaxafadeedka.