1 min read

Al-Shabaab oo deegaano hor leh lagala wareegay.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Gobolada Galgaduud, Hiiraan.

Ciidamada ayaa saaka waaberigii la wareegay deegaanka Moqokori iyo tuullada Tardo oo ka tirsan gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada Muhiimka u ah Al-shabaab.

Sidoo kale, Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay Deegaanka Ceel lahelay oo ku yaal inta u dhaxeeysay Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur ee bartamaha Soomaaliya.

Deegaankan Ceel lahelay muddo 10 sano ku dhawaad waxaa ku sugnaa ururka Al-shabaab.

Dhinaca gobolka Mudug, Ciidamada ayaa la wareegay Deegaanada Dhuumoodle, Dhisaqa, Abooreey, Cali wayd iyo maygaag duub oo hoostaga Degmada Xaradheere.