1 min read

Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo shir dhowaan ay yeelan doonaan Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka.

Wasiiro ka tirsan Xukumadda Federaalka, Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland iyo wefdigiisa.

Dhinaca kale, Madaxda dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa in iyana saacadaha soo socda ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan Shirka wadashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlagobaleedyada oo dhowaan furmi doona.