1 min read

Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay xubno ka tirsan guddiga doorashada.

Golaha Wakiillada Jahmuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaaqday ee Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay saddex xubnood oo ka tirsan guddida doorashooyinka Somaliland kuwaas oo ay hore u diideen balse madaxweyne Biixi, dib ugu soo celiyay.

Ilaa 70 xildhibaan ayaa codka kalsoonida siiyay dhammaan xubnaha maanta la ansixiyay.

Xildhibaanada Golaha fadhiyay waxa ay ahaayeen 70 xildhibaan dhammaantoodna way u codeeyeen.