1 min read

Hoggaamiyaha TPLF oo iska diiday dalab kaga yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Hoggaamiyaha TPLF ayaa sheegay in aysan aqbaleyn wadahadal ku saabsan in ciidamada Tigray ay hubka dhigaan si ay isugu diyaariyaan wahadallada nabadeed ee lagu soo afjarayo colaadda Itoobiya.

Warbaahinta ay maamusho TPLF ee Tigray Tv ayaa baahisay hadalka hoggaamiyaha Debretsion Gebremichael xilli uu la hadlayay warbaahinta gudaha.

“Waa in aan hub ka dhigis ku sameyno sababta oo ah dastuurka Itoobiya ayaa dhigaya in maamulada aysan lahaan ciidan, waxbo kama jiro arrintaas”

Dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa isku diyaarinaya inay yeeshaan wadahadal nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka ay ku dhinteen kumannaan qof oo ay ku barakaceen malaayiin qof.