1 min read

Ra’iisul Wasaare Xamse oo maalinta berri ah hortagi doona Golaha Baarlamaanka.

Golaha Shacabka Baaralamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berri ah yeelan doona kulan weynaha Golaha kaas oo ka dhici doona xarunta Villa Hargeysa ka dib codsi ka yimid Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya.

Fariin lala wadaagay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri “Berri oo  isniin ah, taariikhdu tahay 25 July waxaa jira kulanweynihii Golaha Shacabka. Ajendaha kulanka Codsi ka yimdi Xafiiska  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.” .

Codsiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ee Xildhibaannada Golaha Shacabka Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli uusan weli Ra’iisul Wasaaraha uusan ku dhawaaqin golahiisa Wasiirada, iyada oo ay maalinta berri ah ay ku egtahay muddadii 30 cesho uu heestay magacaabista Golahiisa Wasiirada.

9

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu golaha hor geyn doona codsi ku aaddan muddo kordhin 10 beri ah oo ku saleesan magacaabista Golaha Wasiirada Xukuumadda cusub oo waqtigii uu u heestay ay ku egtahay 25 July 2022.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa loo magacaabay xilka wasiirka koowaad ee Xukuumadda 15 Juun 2022-ka, isaga oo helay codka Golaha Shacabka BFS 25 Juun 2022-ka.