1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Tanzania.

MUQDISHO — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho isaga oo kusii jeeda magaalada Arusha ee dalka Tanzania, halkaasi oo uu kaga qeyb-gali doono shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).



Sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa isku dayi doono inuu dalalka EAC ka dhaadhiciyo in Soomaaliya loo ogolaado inay xubin ka noqoto ururka.

Madaxweynaha ayaa madaxda dalalkaas “uga warbixin doona fursadaha dhaqaale ee dalkeenna, gaar ahaan dhanka waxsoosaarka, maalgashiga iyo dadaallada dhiirri-gelinta mudan ee ganacsatada Soomaaliyeed. “.

Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC),” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Ururka Bulshada Geeska Afrika (EAC) waxaa ku mideysan 7-dal oo uu ka dhexeeyo hal Baasaboor iyo suuq muhiim u ah Gobolka, kuwaas oo kala ah; Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfur Suudan, Uganda iyo Tanzania.

Diblomaasi sare oo reer Burundi ah ayaa sheegay in waddankiisu uu guddoomiyenimada EAC kala wareegayo Kenya, uuna dalkiisu taageeri doono musharraxnimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dalal kalena ay Soomaaliya taageeri doonaan.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2016-kii waxa ay gudbisay codsiga ka mid noqoshada dalladan, si loo xaqiijiyo fududeynta socdaalka dadka Soomaaliyeed, suuq-geynta wax-soosaarkooda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.