1 min read

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la yeeshay Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ayaa diiradda waxa ay ku saareen “xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.” Sida lagu yiri qoraal lagu daabacay Xafiiska wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Xamsa Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadcelshay Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan, booqashada uu ugu yimid Xafiiskiisa.

Ra’iisul Wasaare Barre ayaa waxa kulamo uu la yeeshay Madax kala duwan, isaga oo Safiirrada Soomaaliya u fadhiya waddamada Caalamka kala hadlay xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Dowladda Federaalka, xilli laga sugayo ku dhawaaqista Golaha Wasiirada.