1 min read

Dablay hubaysan muqdisho ku dilay Macalin Jaamacadeed.

Allaah u Naxariistee kooxo burcad ah oo ku hubeysnaa bustoolado ayaa Cusmaan Axmed Macow ku dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqyaraha degmada Dharkeeneey ee Gobolka banaadir.

Dilka ayaa yimid ka gadaal markii kooxda oo ku hubeysneed Bostooladdo ay isku dayeen in ay ka dhacaan Taleefoonkiisa gacanta, isagoona diiday in uu dhiibo muran dheer kadib, waxaa la sheegay in ay taasu keentay dilka macalinka sida ay inoo shegeen Qoyskiisa.

Macallinka dilka loo geeystay ayaa kamid ahaa Macalimiinta Jaamacadaha horseed ee magaalada muqdisho waxaana dilka kadib goobta gaaray ehelladiisa iyo ciidamo ka tirsan Dowladda, iyagoona Goobta ka qaaday meydka Macalinka Cusmaan Axmed Macow kaas oo la geeyay Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da.

Dilkaan ayaa imaanayo xili maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ay kusoo badanayeen dilalka qorsheeysan iyo dhaca teleefanadda waxaana arinkaani uu uu daba socdaa dilal maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacayay.