1 min read

Booliska Soomaaliya oo ku dhawaaqay maanta howlgal ka dhan ah ciyaal weerada.

Shir deg deg ah oo maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen taliyeyaasha booliska degmooyinka ayaa waxaa looga hadlayay amni darada maalmihii la soo dhaafay ka jiray degmooyinka Gobolka Banadair.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} ayaa shir guddoominayay shirkan waxaana ku sugnaa dhammaan Saraakiisha booliska degmooyinka iyo Taliska Qaybta guud ee booliska Gobalka Banaadir .

Shirka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifatax Aadan Xasan waxaa uu sheegay in shirka maanta looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa kooxaha burcada ah ee dhaca u geysta dadka shacabka iyo dhalin yarada ciyaal weerada.

Afhayeenka ayaa si rasmi ah ugudhawaaqay in ay degmooyinka Gobolka Banadir ay ka bilaaban doonaan howlgal ka dhan ah dhalin yarada ciyaal weerrada ah, isagoona xusay in dhalin yaradaasi ay isku badeel kuwa gaangis ah oo dadka dhaca, waxaa uuna digniin u diray waalidiinta dhalatay dhalin yarada ciyaal weerada.

Dhanka kale Afhayeenka ayaa sidoo kale digniin u diray dadka ka ganacsatada waxyaabaha maanka dooriya, isagoona sheegay i maxkamad la horkeeni doono dadka ay ku soo qabteen ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya.

Hadalka Afhayeenka ayaa ku soo aadaya in xili magaalada Muqdisho ay ku soo bateen falal amni darada ah,iyadoona shacabka Muqdisho ay walaac xoogan ay ka muujiyeen kooxajha bucada ah ee dhaca u geysta iyo dhalin yarada ciyaal weerrada ah, lamana oga inay wax iska badeli doonaan amarkan ay soo saareen Booliska.