1 min read

Hindiya: Muslimiin ka careysan ‘aflagaadada’ Nebiga (NNKH) oo nin qoorta ka jaray.

Boqollaal booliis ah ayaa loo daadgureeyay magaalada Udaipur oo ku taala dalka Hindiya ka dib markii nin Hinduu ah la sheegay in ay dileen rag Muslimiin ah.

Ninkan oo ahaa Dawaarle ama Harqaanle ayaa sida la sheegay waxaa dilay 2 nin oo Muslimiin ah taasi oo sida ay sheegeen aargoosi u ahayd hadal ka dhan ahaa Muslimiinta oo uu jeediyay sargaal ka tirsan xisbiga talada haya.

Dilkan ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo islsamarkana waxaa dab la qabadsiiyay taayaro

Weerarkan ka dhacay Udaipur ayaa muuqaal laga soo duubay waxaa uu muujinayay rag isku dayaya in ay madaxa ka gooyaan ninka dhintay.

labadan nin ee Muslimiinta ayaa sidoo kale la arkayay iyaga oo wata mindi islamarkana ku hanjabaya in ay dili doonaan rai’sul wasaaraha Hindiya Narendra Modi.

Arrintan ayaa xiisad ka dhalisay Hindiya iyada oo laga cabsi qabo in dadka Hinduuga ah ay weeraro aargoosi ah ku qaadaan Muslimiinta