1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkiisii ugu horreeyey ugu ambabaxay Imaaraadka.

MUQDISHO – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u safarkiisii ugu horreeyey ee debedda ah ugu ambababaxay dalka Isu-tagga-imaaraadka Carabta, kaas oo qaadan doona muddo laba maalmood ah.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya, madaxweyne Xasan ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Saayid, waxaana ujeedada safarka madaxweynaha lagu sheegay inay la xidhiidho xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududaynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan.

Dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xidhiidhkooda diblomaasiyadeed waxaa soo kala dhex galay mad-madow badan, intii uu xukunka hayey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.