1 min read

Ikraan Tahliil hooyadeed oo u jawaabtey Fahad Yaasiin.

Qaali Maxamuud Guhaad, oo ah hooyada dhashey Ikraan Tahliil, ayaa ka jawaabtey hadallo ku jiray wareysi taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, siiyay Barta Facebook-ga ee Gaylan Media.

Qaali Maxamuud, ayaa carabka ku adkeystay in iyada qudheeda iyo nabadoono la socday ay ugu tageen taliyihii hore xafiiskiisa, si kiiska Ikraan Tahliil uu wax ugala qabto.

Waxey tilmaantey Qaali in markii hore uu soo dhoweeyey, ha yeeshee maalmo kadib uu go’ay xiriirkii ay la lahaayeen.

Qaali, ayaa ku adkeysatey in Ikraan Tahliil ay ku tuhmeyso dilkeeda inuu ka danbeeyey taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin.

Hadalka Qaali Maxamuud Guhaad, ayaa kusoo beegmey hadalka Fahad Yaasiin, oo ku eedeeyey dilka Ikraan Tahiil ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo saraakiil kale oo katirsan dowladda Soomaalia.