May 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh “Shaqo la’aan baahsan ayaa ka jirta dalka….”
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa shaaciyey qorshihiisa horumarinta dhallinyarada, kaasoo xoogga saaraya abuuridda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda. Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay siindoonto hortebinta koowaad Hindisaha Shaqo Abuurka Qaran, si dhallinyaradu ay door weyn […]
Soomaaliya oo IMF iyo Bangiga Adduunka kawada hadlay billaabida dhaqaalihii laga joojiyay.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta kulan la yeeshay Mas’uuliyiin ka kala socday Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka. Kulanka oo ku qabsoomay habka fogaan arraga ayaa waxaa looga hadlay sidii loo soo celin lahaa lacagiha kabka Maaliyadda ee la joojiyay inta ay socotay Doorashada. Wasiir Cabdiraxmaan Beyle oo ka hadlay […]
Masar oo Xabsiga ka sii daysay gabar Soomaali ah oo iska difaacday nin rabay inuu kufsado.
Shariif Abul Fadl, Xeer ilaalinta guud ee dalka ayaa amar ku bixisay in la sii daayo gabar Soomaali ah uu ku socday baaritaanka dil loo geystay darawal Mooto Tuk-tuk ah oo mindi lagu dilay ka dib markii uu isku dayay in uu u kufsado. Baaritaano ay sameeyeen Booliiska iyo Xeer-ilaalinta ayaa lagu xaqiijiyay in ay […]
Jabuuti: Maxkamad xukun ku ridday wasiir iyo taliye hore.
JABUUTI — Maxkamad ku taalla dalka Jabuti ayaa min saddex sano oo xarig ah ku ridday, Wasiirkii hore ee Miisaaniyadda Jabuti Bodeh Axmed Rooble iyo Taliyihii hore ee Ciidanka booliska Jabuti, Corneel Cabdullahi Cabdi Farax, kaddib marki sida ay maxkamaddu sheegtay lagu helay danbi ah in ay si sharci darro ah u iibsadeen cod sir ah […]
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka K/Afrika.
Koox hubeysan ayaa deegaanka South Gate magaalada Johnsburg ee dalka Koofur Afrika ku dilay Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Axmed Siciid, sida ay noo xaqiiyeen goobjoogeyaal. Kooxaha Burcadda ah ee dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana meydka Muwaadinka Soomaaliyeed la geeyay Isbitaalka Magaalada. Ciidamada Booliska ee magalada Johannesburg ayaa tegay halka uu […]
Golaha Ammaanka oo muddo kordhin u sameeyay Xafiiska QM ee Soomaaliya.
Xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa meelmariyay qaar qeexaya in uu Soomaaliya ka sii shaqeeyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo hadda mas’uul ka yahay Danjare James Swan. Qaraarka oo tirsigiisu yahay 2632 ayaa waxaa si wada jir ah u ansixiyay 15-ka xubnood ee golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana ay ay ogolaadeen in xafiisku […]
Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaanka Warciise ee Gobolka Sh/dhexe.
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Warciise duleedka magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi ay goordhow gudaha u galeen Ciidamada Militeriga Soomaaliya. Goobjoogeyaal ayaa soo sheegaya in Saldhiga iyo Xarruunta deegaanka ay gacanta ku hayaan Ciidamada Militeriga, kadib markii halkaasi ay isaga baxeen dagaalameyaasha Al-shabaab. Deegaanka Warciise ayaa ah mid muhiim u […]
Dalka Tunisia oo in ka badan 600 Tahriibayaal lagu la’yahay 3-dii bilood ee ugu dambaysay.
TUNIS, Tunisia – Hay’adda caalamiga ah ee socdaalka dunida ee IOM ayaa sheegtay in la la’yahay illaa 600 oo muhaarijiin ah oo isku deyayey inay tahriib ku galaan wadamada Yurub, saddexdii bilood ee ugu dambeeyey. Tahriibayaashan ayaa ka safray xeebaha dalalka Tunisia iyo Liibiya. Toddobaadkan gudihiisa waxaa la soo sheegay in doon ay saarnaayeen tahriibayaal […]
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan oo magacaabay La-Taliyeyaal Cusub (Magacyadooda).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu u magacaabay mudaneyaashan hoos ku xusan Lataliyeyaal Madaxweyne:- 1- Ibraahim Eidle Sulayman Lataliyaha Sharciga Madaxweynaha J.F.S. 2- Zakaria Hassan Ali (Gaashaan) Lataliyaha Siyaasadda iyo Xiriirka Baarlaamaanka Madaxweynaha J.F.S. 3.Hassan Adam Hosow Lataliyaha Dhaqaalaha Madaweynaha J.F.S. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga […]
Imaaraadka Carabta oo Dowladda F.Somalia ku wareejisay lacag gaaraysa 9.6 Milyan Dollar.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu ay dowladda Soomaaliya ugu wareejinaysay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in lacagta Imaaraadka ay dowladda Federaalka ku wareejisay ay tahay mid kaalinta Imaaraadka Carabta […]