1 min read

Denmark oo raacday raadkii UK ee soo galootiga ay ku gaynaysay Rwanda.

Dowladda Denmark ayaa xaqiijisay in ay wadahadal kula jirto Rwanda si dalkaas ay ugu dirto dadka magangalyo doonka ah, ka dib markii tallaabo taas la mid ah ay dowladda UK toddobaadkii hore qaadday.

Danmark oo tobankii sano ee ugu danbeeyay soo bandhigtay siyaasado qalafsan oo ku aaddan soogalootiga, ayaa sannadkii hore soo saartay sharci ogolaanaya in qaxootiga imaanaya dhulka deenishka loo raro xarumaha magangalyada ee waddan ay iskaashi leeyiiin.

Talaabadan ayaa waxaa dhaleeceeyey dadka u dooda xuquuqda aadanaha, Qaramada Midoobay iyo guddiga Yurub.

Danmark ayaa ku guul darraysatay in waqitgaas ay hesho waddan ay la wadaagto.