1 min read

Doorashada gobolka Gedo oo laga bedelay magaalada Garbahaarey

Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEID ayaa lagu caddeeyay in la bedelo dooraashada xildhibaanada baarlamaanka oo markii hore la qorsheeyay inay ka dhacdo magaala madaxda gobolkaasi ee Garbahaarey.

Isbedelka lagu sameeyay halka ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada degaan doorashadoodu tahay gobolka Gedo ayuu guddigu ku sheegay inay qaateen go’aankaas sababo dhowr ah dartood.

Guddigu waxa uu sheegay in magaalada Garbahaarey aan la isku halleyn karin amnigeeda isla markaana wafdi ka tirsan guddiga FEID loo diiday inay tagaan si ay xaaladda u qiimeeyaan.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in doorashada xildhibaanada laga soo doorto gobolka Gedo loo wareejiyay magaalada Ceelwaaq oo guddigu sheegay in amnigeeda la isku halleyn karo.