1 min read

Wasiirka Amniga oo ka digay in dalka ay ku soo wajahan tahay khatar xooggan.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa marka hore sheegay in Wakiilkii Midowga Afrika ee Soomaaliya ee la Eryay uu dhibaatooyinkii la shaaciyay & kuwo kale aan la shaacin uu ku hayay Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu ku eedeeyay Villa Somalia gaar ahaan Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo in uu si indho la’aan ah u difaacay Danjire Francisco Madeira qaladaadkii uu galay iyo sidii foosha xumeyd ee uu uga Shaqeyn jiray dalka Soomaaliya.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur oo Su’aalo lagu weeydiiyay twitter Space ayaa sheegay in Farmaajo uu qorsheeysan hadii uusan sii joogeyn dalka Soomaaliya in uu waxba ka harin, isla markaana uu iska horkeeno Shacabka Soomaaliyeed & Ciidanka AMISOM si uu Al-Shabaab ugu wareejiyo dalka Soomaaliya.

ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay jirto qataro aad u ballaaran oo maalmaha soo socda kusoo wajahan dalka Soomaaliya hadii aan laga hortegin, in kastoo uusan sheegin qatarahaas.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa saameeya hay’adaha kala duwan ee dowladda, waxaana uu markale dib u dhigi karaa doorashada Soomaaliya.