1 min read

DEGDEG: Mid ka mid ah Ergada Wada-xaajoodka Ukraine iyo Raashiya oo la dilay.

Xubin ka tirsan Wafdigii Ukraine uga qeyb galayo Shirkii Nabadda ee isbuucii hore yeesheen Wafuudda labada dhinac ayaa Maanta lagu dilay Caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Mas’uulka la dilay oo la oran jirey Denis Kireev, waxaa la sheegay inay dileen Hay’adda Ammaanka Ukraine (The Ukrainian Security Service) oo loo soo gaabiyo SBU.

Ergayga ayaa lagu dilay galabta meel ku dhow Dhismaha Maxkamadda ee magaallada Kyiv, xilli la doonayey in la xiro si wax looga weydiiyey Tuhun laga qabtay inuu Dowladda Raashiya gacan-saar la lahaa.Shabakadaha Wararka ee Ukraina.ua iyo Obozrevatell ayaa labada qoray Warka ku aadan dilka Ergaygaasi.Bishii hore,

Telefishinka Channel 5 ee dalka Ukraine waxa uu baajiyey in Ergayga la dilay ay Hay’adda SBU baarayeen inuu Ergaygaasi xiriir la lahaa Hay’adda Sirdoonka Raashiya tan iyo sanadkii 2020-kii.

Ustaad Nuradin Haji.