1 min read

RW Rooble” “Heshiiska shidaalka ee uu saxiixay Wasiirka Batroolka waa mid sharci darro ah”.

Muqdisho:-Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa lagu caddeeyay in heshiiska uu Wasiirka Batroolka saxiixay ee la xariirta arrimaha shidaalka uu yahay mid baal marsan sharciga dalka, isla markaana uu Ra’iisul Wasaaruhu qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan”. Ayaa lagu yiri qoraalka.

Ra’iisul Wasaraha ayaa qaadi doonaa talaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed.