1 min read

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo Shaaciyay jadwalka doorashada 3-kursi.

Muqdisho:-Guddiga doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa shaaciyay Jadwalaka doorashada 3 kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee lagu dooran doono Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Maamulka Jubbaland, kuwaa oo kala ah Hop#023,Hop#132 iyo Hop#092.

Guddiga ayaa sheegay in maanta oo Arbaco ah la shaacin Doonaan Guddiga Xulista ergada, Halka malinta berri ah tarikhduna ay ku asteeysan tahay 17 Bisha 2aad aya qaban Doonaan Qabashada Ergada iyo Diwaangelinta musharixiinta,

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ugu danbeeyntii Maalinta Jimcada ah taariikhduna ku beegnatahay 18 Febraayo ay qaban Doonaan Qabashada Doorashaad Sedexda kursi.