1 min read

RW Rooble oo ka digay in dalka ay ka dhici karto musiibo xooggan.

MUQDISHO — 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka digay in dalka ay ka dhacdo musiibo weyn oo ka dhalata abaarta ka jirta gobollo ka mid ah.

Roobla ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu maanta la yeeshay qaar ka mid ah Culimaa’udiinka, Ururrada Bulshada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, oo uu kala hadlay sidii loo dardargelin lahaa gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in shacabka iyo dowladduba isu kaashadaan sidii loo gargaari lahaa dadkeenna abaartu saameysay guud ahaa gobollada dalka.

“Way ka sii dareysa xaaladda abaartu, haddii aan dadaallada gurmadka la dedejin lana mideyn, waxay xuub siiban kartaa macluul keenta masiibo xoog badan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxa uu intaas ku daray in dalku ku jiro xaalad abaareed oo saameysay in ka badan 5 Milyan oo Soomaali ah.

“Howlaha doorashada ee dalka ka socda waxay muhiim u yihiin mustaqbalka dalka, balse waa in aysan naga mashquulin in aan u gurmanno, dadkeenna abaarta, oonka iyo gaajada la il daran, sidaas ayay muhiim in culimada, bulshada rayidka iyo ganacsatadu kaalin hormuud ah ka qaataan howsha gurmadka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxa uu ugu dambeyn tilmaamay inay xukuumaddiisa ka go’an tahay sameynta wax kastoo karaankeeda ah, si dadkeenna loo badbaadiyo.