1 min read

Beesha Caalamka oo farriin u dirtey Somaliland.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqdey madax banaanida ee Somaliland, ay xaqiijiso iney dhacdo mustaqbalka doorashooyinka soo socda ee la filayo inay sannadkan dhacaan, iyo hanaanka la marayo, iyadoo la doonayowadahadal loo dhan yahay oo la isku afgarto in jadwalka doorashooyinka lagu qabto.

Waxaa sidoo kale muhiim ah bay yiraahdeen bayaanka ay maanta soo saareen Beesha Caalamka, in si waafaqsan shuruucda iyo dastuurka Somaliland, la xaqiijiyo in doorashada ay ka dhex muuqdaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadda, marka laga hadlayo ka qayb galka dumarka, dhallinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay.

Beesha Caalamka ayaa bogaadisay doorashooyinkii Baarlamaanka iyo Golaha Deegaanka ee dhacey sanadkii hore ee 2021-ka.

Wufuud ka socota Beesha Caalamka, ayaa safar shaqo ku tagey Somaliland 24-kii illaa iyo 27-kii bishan Janaayo ee sanadkan 2021-ka.

Waxey dhiiri galiyeen Beesha Caalamka hannaanka is xukunka ee dimuqraadiyadda.Ar