1 min read

Turkiga Ciidamada ka jooga Soomaaliya oo muddo kordhin loo sameeyay.

Kadib kulan ay yeesheen Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin ogolaanaya in ciidamada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya loo kordhiyo waqtiga ay sii joogayaan Soomaaliya, iyagoona isku raacay inta laga gaarayo 10-ka Feberaayo 2023 ay ku sugnaadaan Soomaaliya.

Madaxtooyada Turkiga ayaa ka codsatay barlamaanka dalkaas muddo kordhinta Ciidamada Turkiga ee ku sugan Gacanka Cadmeed, badda iyo xeebaha Soomaaliya.

Hawlgalka ciiddamada Turkiga ayaa ku ekaa ilaa bishan Febraayo 10, 2022-ka.

Waa markii 14-aad ee Ankara ay kordhiso joogitaanka guud ahaan ciidamadeeda gacanka cadmeed tan iyo markii ugu horeysay ee uu meelmariyay baarlamaanka sannadkii 2008-dii.

Turkiga ayaa kamid ah dalalka ciiddamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka qaataan tababarada ciidamada Soomaaliya.

Ciidamada ay tababaraan dowladda Turkiga ka qeyb qaata howlgalada ka dhanka Ah Al-shabaab ee ka socda Soomaaliya.