|

Tartanka Kubadda Koleyga Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Muqqdisho ka Furmay + Sawirro

MUQDISHO -  Garoonka Kubadda Koleyga Degmada Xamar Jajab ayaa waxaa si habsami leh uga furmay Tartanka Kubadda Koleyga Degmooyinka Gobolka Banaadir, Iyadoo Tartankan  uu soo agaasimay Xiriirka Soomaaliyeed ee Koleyga oo  dhanka Maalgelinta Kaashanaya Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali [Roombo] ayaa ugu horeyn ka warbixiyay sida ay ugu faraxsan yahiin  qabashada  Tartanka K/Koleyga  Degmooyinka, wuxuuna  xusay in Tartankan ahmiyadiisu tahay sidii  isdhex-galka  bulshada loo sii kordhin lahaa, dhinaca kalena  lagu dhiirigeliyo dhallinyarada ku dhaqan Gobolka Banaadir si ay uga soo baxaan xiddigo xirfad u leh Kubadda Koleyga.

“Maamulka Gobolka Banaadir aad ayuu u dhiirigeliyay Kubadda Koleyga Waayo Xarumaha Degmooyinka wuxuu u dhisay garoomo lagu ciyaari karo K/Koleyga – anagana (XSKK) waxaa xil naga saaran inaan Tartamo noocan u qabano degmooyinka si ay uga soo baxaan jiilka berito oo mustaqbal fiican ku yeesha ciyaarta Kubadda Koleyga”. Sidaas waxaa hadalkiisa ku gunaanaday Guddoomiye Roombo.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cusmaan, Guddoomiyaha Degmada Xamar jajab Maxamed Cali Axmed, Guddoomiyaha Zone 5 ee Gobolka  Banaadir Abuukar Hiraabe Bokar oo iyaguna ka hadlay furitaanka tartankan ayaa tibaaxay in Tartanka Degmooyinka uu yahay mid aad u xiiso badan isla markaasna qeyb weyn ka qaadanaya dhiirigelinta Nabadda Muqdisho iyo isdhex-galka Bulshada, waxayna ku booriyeen  madaxda Degmooyinka inay aad u dhiirigeliyaan Ciyaartoyda.

Ciyaartii ugu horeysay ayaa waxaa isaga horyimid degmooyinka Xamar Jajab iyo Hodan waxaana guusha si xarago leh 29-41 ay ku raacday Degmada Hodan.

Ciyaartan waxaa garsoorayay Abuukar Muudeey iyo C/qaadir  Ilka Cas, Lamabarada  Cali Hindi, Dhibcaha Cumar Maxamed,  halka Saacadda  uu hayay  Xasan Ibraahim {Moos}.

Si kastaba, Tartankan ayaa waxaa ka qeybgalaya 8 degmo oo kala Qeybta A: Hodan Xamar Jajab, Waaberi iyo Hodan. Qeybta B: Shibis, Warta Nabadda, C/Casiis iyo Boondheere – Qeybtiiba waxaa ka soo baxaysa labo Degmo. waxaana lagu ciyaari doonaa sida XSKK ay qorsheeyeen garoomada Degmooyinka oo si is wada-arag ah marba Degmo hoygooda lagu ciyaarayo [Home-Away]. Iyadoo rubuc-dhamaadka ciyaarta lagu wado in lagu ciyaaro garoonka Kubadda Koleyga 1da Luulyo (Ex-Lugino).

Daawashada Tartankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiin kala  duwan oo  aan ka xusi karno Afhayeenka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf, Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Maxamed Cali Axmed, Guddoomiyaha Degmada  Waaberi  Axmed Meyre Makaraan, Guddoomiyaha Degmada Hodan Cabdi Maxamed Warsame, Guddoomiyaha XSF  Maxamed Axmed Coloow (Xaaji  Coloow), Guddoomiyaha Zone 5 ee Gobolka  Banaadir Abuukar Hiraabe Bokar, Agaasimaha Isboortiga Gobolka Banaadir Aweys  Sheekh Maye [Walker], Guddoomiyaha  Ururka Dhallinyarada Jiilka Cusub Dhaqanka iyo Isboortiga [NGSC] C/qani C/llaahi Hilowle {C/qani Jeenyo} iyo Taageerayaal aad u tiro badan oo xiiseeya ciyaarta Kubadda Koleyga.

K-KOLEYGA_DEGMO-12 K-KOLEYGA_DEGMO-9 K-KOLEYGA_DEGMO-8 K-KOLEYGA_DEGMO-7 K-KOLEYGA_DEGMO-6 K-KOLEYGA_DEGMO-1 K-KOLEYGA_DEGMO-2 K-KOLEYGA_DEGMO-3 K-KOLEYGA_DEGMO-4 K-KOLEYGA_DEGMO-5

Web Updating, Somaliweyn Website contact@somaliweyn.com www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!
Posted by on Mar 4 2013. Filed under Sports. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Halkaan hoose ku qor fikradaada talo, toosin iyo la talin ah ee aad ka qabto warka sare ku qoran, lama aqbali doono fikradaha aflagaadada iyo meel ka dhaca ah