|

Ra’iisal Wasaaraha oo saaka booqday xerada 54-aad ee ciidanka Xoogga Puntland

Ra’iisal Wasaaraha oo saaka booqday xerada 54-aad ee ciidanka Xoogga Puntland
Garoowe, March 11,2013—-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdigii uu hogaaminayay, labadii cisho ee  ugu dambeysayna ku sugnaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa saaka booqday xerada 54-aad ee ciidanka xooga Puntland, halkaasoo aheyd xarun ciidan Millatery dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaaraha oo uu wehliyo Madaxweynaha Puntland Mudane C/raxmaan Faroole, madaxweyne kuxigeenkiisa Mudane C/samad, xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka iyo xubno ka tirsan labada gole ee Puntland.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha Xeradan iyo xafiisyada, wuxuuna mid mid u gacan qaaday saraakiisha taliska ciidanka ee Puntland, oo iyagu halkaasi dhoolatus ka sameeyey, wuxuuna salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta ee Puntland.
Ugu dambeyntiina, saraakiisha ciidanka ayaa halkaasi ka soo jeediyay khudbado, heeso iyo gabayo, iyaga oo soo bandhigay waxqabadkooda, waxayna ka codsadeen Dowladdu inay ka garab siiso sidii loo sii horumarin lahaa ciidamada Puntland.
Dhanka kale,  Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa kulamo is daba joog ah la leh labadii cisho ee ugu dambeysay madaxda maamulka Puntland, waxaana sidoo kale Ra’iisal wasaaruhu uu booqday shalay qaar ka mid ah Wasaaraddaha iyo madaxtooyada oo ay haatan dhiso ku soconayaan.











Web Updating, Somaliweyn Website contact@somaliweyn.com www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!
Posted by on Mar 11 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Halkaan hoose ku qor fikradaada talo, toosin iyo la talin ah ee aad ka qabto warka sare ku qoran, lama aqbali doono fikradaha aflagaadada iyo meel ka dhaca ah