|

Maxaa Caawa kala heysta Man utd vs Real Madrid,Feguosan vs Mourinho vs saaxiibada Rooney vs Ronaldo

Lugta 2 ee wareega 16ka Taratnka Xiisaha iyo Xamaasada badan ee Champions liguae 2012-2013 ayaa caawa ka curan doonta garoomada ku kala yaala Wadamada England iyo germanay waxana Lugtaan oo ka xiiso iyo xamaasad badan Tii Hore ee wareegaasi ay udhaxeysaa Kooxaha Man utd vs Real madrid,Dourt Mound vs Shakhtar Donetsk kuwaaoso Barbardhac isla dhaafi weayay Lugtii Hore.

url10

Kulanka ishu ku godan  tahay waa midka Laga soo iclaaminayo garoonka Oltraford ee Loogu Martiyo Kooxda Manutd,waxaana Ciyaartaan darbiga u ah Wareega 15ka ee Koobkaan ay u dhaxeysaaa Man utd vs Real madrid,Ferguosan vs Mourinho iyo Labad xidig ee kala ah 10 Rooney vs Ronaldo oo Xili ciyaareedkii 2007 2008 isla hantiyay Koobkaan.
Sida ay saadaashu cadeyneyso Madasm  Gurigu Yahay inta badan saacidaha Ciyaarta ayaa Taageerayasha labad dhinac ee naadiyada man utd vs Real madrid waxa ay midkasta  sheegayaan in Kooxdoodu reebeyso Tan kale ayna heystaan Ciyaartooy Tayo wanaagsan oo u saamixi kara arintaasi.

Kooxda Man utd oo ku duulaan tagi doonto xidigaheeda waaweyn kulanka martida loo yahay aya ka rajeyneysa in weeraryahanadeeda sida Rooney,Van Pearse, Welback,  ay Kooxda Real madrid ka caabiyaan una horseedaan Kooxdooda inay u soo talaabiyaan Wareega 8,iyadoo Rajada Kooxda man utd ay tahay badis,ama barbardhac 0-0

Kooxda Real madrid oo iyaduna ah Koox aan dabyar shideyn ayaa Rajjeyneysa inay hesho ugu yaraan badis ama Barbardhac 2-2 si ay u xaqiijiyaan u soo bixidooda wareega 8,waxaana Xidigaha Dhinac weerarka ay Kooxdu ku tashaneyso inay gaarsiiyaan wareegaasi ka mida Ronaldo oo horey ugu soo ciyaaray Kooxda Man utd si weyna looga yaqaan garoonka Kooxda old traford.sidoo kale waxa aka mida Banzema, Di Maria,Higuean,Ozil

dhinaca kale Kooxda carcarta qabta ee Borussio Dort Mound wayadaana Kaambeynka ku heysatay Germany ayaa iyaduna  martigalin doonta kooxda aan dabka yar shideyn ee Shakhtar Donetsk oo ay Kulankii lugta hore ee wareega 16ka isku Macsalameyeen 2-2.
Ciyaartaan hadii ay ku dhamaato 0-0 ama 1-1 waxaa si toos ah us oo baxeysa Dortmound,sidoo kale badisna wa aku soo baxdaa ,Halka shakhtar Donetsk oo aad moodid in xoogaa ay xaaldu ku cakiran yahay ayrajadeeda ku xiran tahay Badis iyo in la isla gaaro Barnardhac 3-3 ah

Taageerayasha Man Utd waxa ay leeyihiin ishii Buktaay ku Bikaacso waan sagootineynaa Real madrid iyagoo ka haray Wareega 8,halka Kuwa Real madridna ay leeyihiin fardo la isku hayo la iskuma faansho waa inoo Garoonka uu Ronaldo ku soo Caan baxay.

 

Waxaa Diyaariyay.

Axmed Maxamed Cabdulle’Uurdoox’
Uurdoox2011@hotmail.com

Web Updating, Somaliweyn Website contact@somaliweyn.com www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!
Posted by on Mar 5 2013. Filed under Sports, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Halkaan hoose ku qor fikradaada talo, toosin iyo la talin ah ee aad ka qabto warka sare ku qoran, lama aqbali doono fikradaha aflagaadada iyo meel ka dhaca ah