Juventus oo La celin la yahay Champions Liguae,iyo Paris Cent German oo ka mid noqotay Kooxaha u Gudbay Wareega 8
2 kulan oo ka Tirsan Lugta 2 ee Wareega 16ka Tartanka Champions liguae 2012-2013 ayaa Xalay La ciyaaray waxaana kulamadaasi Fooda is daray Kooxaha Juventus vs Celtic iyo PSG vs Valencia.
Koxda Juventus oo ah Koox la celin la yahay tartankaan ayaa Xalay Guuldardii 2 ee wareega 16ka u huwisay Kooxda Scotland ka dhisan ee Celtic ,waxaana ay ku suuldaareen 2-0.
Weeraryahan Matri aya goolkii ugu Horeeyay Juventus u dhaliyay Daqiiqadii 24 waxaana qeybtii Hore lagu kala nastay Goolkaasi Celtic lagu Hogaaminayo.
isku soo Noqodkii ciyaarta Kooxda Juventus waxa ay la soo baxday Carcar Taasoo us amaxday inay 2 gool oo kale ka dhaliyaan Celtic oo horay Gurigooda ay ugu soo quus gooyeen 0-3.
qeybtii danbe Markii la isagu soo noqday Juventus waxa ay heleen Goolkii 2 Daqiiqadii 65 Markaasoo uu qalinka ugu duugay Weeraryahankooda Quagkliarella oo ka helay Fursad wanaagsan saaxiibkiisa Reer Chile Vidal.
Juventus oo aan Gool laga dhalin wareega 16ka ayaa sidaasi ugu soo baxday 2 kualn 6 dhibcood iyo 5 Gool waxaaa ugu Dambeysay xili ciyaareedkii 2005-2006 iyadoo ka mida Xili ciyaaredkaan naadiyada ugu adag ee ka qeybgalaya tartanka.
dhinaca kale Kooxda PSG ee Faransiiska ayaa iyaduna u soo gudubtay Wareega 8 ka dib markii Lugtii 2 ee wareega 16ka ay isku mari waayeen Kooxda Valencia 1-1 hase ahaatee PSG Kulankii Hore e ka dhacay garoonka Valencia ayey 1-2 uga soo badiyeen Kooxda Reer Isbeyn,waxana Xalay ka maqnaa Weeraryahankooda Ibrahimovic oo isagu 2 kualn oo ka Tirsan Champions liguae la Ganaaxay.
Valencia oo xlay dabyar aan shideyn kuna hormartay Goolka ayaa iska lumisay Fursado dhowr ah oo u samaixi karay inay soo gaaran Wareega 8 Balse kama faaideysan Fursadahaasi.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’Uurdoox’
Uurdoox2011@hotmail.com








