Somaliweyn » Arrimaha Bulshada

Codeyntii Fanka ee u dhaxeysay fanaanka vs Fanaanada sanadka 2012-2013 oo aad u kululaatay xili ay gashay Maalintii 3aad
Waxaa maalintii 3 galay Codeynat Sami finalak soo gaartay ee u dhaxeysa Fanaaniinta Soomaaliyeed,kuwaaoso kuwii badiya ay u bixi dooanan hadii Alle idmo Finalak Codeynta Loo qaadayo fanaanka Sanadka 2012-2013 vs Fanaanada Sanadka 2012-2013.

Hadaba Codeynta oo soo bilaabatay wareegeeda Sami finalak  Doraad ayaa ku eg Khamiista 20ka Juun 2013ka,waxaan codeyntu mareysaa meel xaasaasi ah iyadoo loolanka u dhaxeeya fanaaniinta uu cirka isku shareeray.

Tartamayaasha Dhinaca wiilasha ee loolanka Sami finalku u dhaxeeyo waxa ay isagu beegmeen sidatan.

Axmed Biif vs Cabdijabaar Alkhaliiji

Jooqle vs Cabdiwahaab Booska.

2  Badisa ayaa isagu soo hari dooan Finalka Codeynta fanaanka Sanadka 2012-2013.

sidoo kale Dhinaca hablaha ee loolanka Sami finalku u dhaxeeyo waxa ay  isagu beegmeen sidaan

Farxiyo Fiska vs Xaawo kiin

Nimco dareen vs Fartuun Cumar.

2 badisa ayaa ku hardami doona Codeynta kama dambeysta ah ee dhinaca gabdha fanaanada Sanadka 2012-2013.

Codeyntaan ayaa soo bilaabatay 1 juun 2013ka waxanaa ay ka koobneyd wareegeedii ugu horeeyay guruubyo kala duwan sida Champions liguae oo kale iyadoo ay ka qeybgaleen 16 hobol oo dhinaca wiilasha ah iyo 16 hobol oo dhinaca gabdhah ah,waxaa wareega 8 u soo baxay  8 hablood iyo 8 wiilal kuwaaoso min 2 iskau arkaysami finalak waxaa u soo baxay 8 fanaan ee hada loolanku u socdo ooa h 4 wiil iyo 4 gabdho ah ,waxaan kama dambeysta isku soo hari doona 2 hobol oo dhinaca hablaha ah iyo 2 hobol oo dhinaca wiilasha ah kuwaasoo  kii badiya noqon doono Fanaanka vs Fanaanada sanadka 2012-2013

ku codee Iimeylkaan UUrdoox2011@hotmail.com.

<wbr />codeyntaan waxaa isku soo duba riday Axmed Maxamed cabdulle’Uurdoox’ uurdoox2011@hotmail.com

Kusimaha Madaxweynaha Oo Maanta Ka Qeybgalay Geedi Socodka La Tashiga Dadweynaha Ee Dastuurka Oo Lagu Marti Qaaday Qeybaha Bulshada “SAWIRRO”
Ardayda iyo macalimiinta Jaamacadaha Dalka, Cuuryaamiin, Haweenka Soomaaliyeed, Ururrada Bulshada Rayidka, Ganacsato,Culumaa’udiin iyo marti sharaf ka socotay beesha Caalamka ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka uga qeybgalay Geedi socodka la tashiga dadweynaha ee Dastuurka.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen gudiga la socodka,dib u eegista iyo dhaqan gelinta Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa waxaa shir gudoominayey Kusimaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayadoo kulankana ay sidoo ka qeybgaleen intabadan xubnaha gudiga Dastuurka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka qaarkood.

Bilowgii kulanka ayuu Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa uga mahad celiyey hadal kooban oo uu jeediyey kasoo qeybgalayaashii ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada sida ay uga jawaabeen marti qaadkii Baarlamaanka gaar ahaanna gudiga Dastuurka waxaana uu si rasmi ah u furay kulanka wadatashiga.

Gudoomiyaha gudiga la socodka,dib u eegista iyo dhaqan gelinta Dastuurka Marwo Maryan Cariif oo khudbad ka jeedisay kulanka ayaa ugu horeyn u sharaxday qeybihii bulshada ee ku sugnaa xarunta Golaha Shacabka qorshe howleedka gudiga waxaana ay xustay in gudigooda ay mar walba la tashanayaan shacabka Soomaaliyeed,aragtida iyo talooyinka shacabkana ay tahay mida ay ku shaqeynayaan ilaa Dastuurka uu ka gaaro heer ay shacbiga Soomaaliyeed u codeeyaan.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Kusimaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka oo isaguna khudbad dheer kulanka ka jeediyey ayaa kasoo sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee Dastuurku soo marayn waxaana uu xusay in maanta marxalada la joogo oo ah marxalad aad loogu farxo shacab iyo Baarlamaan wadatashanaya islamarkaana wadashaqeynaya ay tahay marxalad ay shacabku ku gudanayaan kaalintooda kaga aadan aayaha Dalkooda oo wixii ay wanaag u arkaan ay dooran karaan waxa kalena ay diidi karaan.

Xubno ka tirsanaa dhinacyada ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada oo iyaguna intii kulanka uu socday fursad u helay iney fikirkooda dhiibtaan ayaa waxey hoosta ka wada xariiqeen iney aad ugu faraxsanyihiin in maanta lagala tashto aayahooda waxaana ay Ballan qaadeen iney si hagar la’aan ah u garab istaagi doonaan Dowladooda.

Gebagebadii kulanka ayaa Gudiga Dastuurka ee Baarlamaanka waxey shacabkii kala duwanaa ee kulanka ka qeybgalay kala wareegeen aragtiyo qoraallo ah ayadoo talaabadanna ay muujineyso sida uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya had iyo goor ugu taaganyihiin iney Shacabka si joogta ah ugu xirnaadaan oo ay taladooda ku shaqeeyaan.

Door-roonaanta Sooyaalkeenna iyo Danayn-la’aanta Dadkeenna W/q:- Axmed Ibraahin Cawaale
Hordhac

“Haddii ardayda Soomaaliyeed ee barata Sooyaalka (taariikhda), Degel-baadhista, Suugaanta, Sooyaalka Diimaha, iyo Falsafadda ay heli lahaayeen door/fakaag (fursad) ay ugu kuur galaan qoraalladii hore ee Masaarida, sida sheekadii Bad-mareenkii Qarqoomay, Sooyaalka Faraaciinta, sida ban-dhiggii wacdaraha lahaa ee socdaalkii Boqoraddii Xatshebsuut ay ku tagtay Arladii Bunt, iyo Qoraalladii ddura/uraaye (qadiimiga ahaa) – laga soo bilaabo Strabo iyo Agatharchides, ilaa laga soo gaadho qoraagii lama-yaqaanka ahaa ee qoray The Periplus of the Erythraean Sea, waxa ay run-ahaantii gar-waaqsan lahaayeen door-roonaanta (ahmiyadda) Dhulka Barakaysan ee Soomaalida (oo sida kalena xilliyo kala duwan loo yiqiinnay Arladii Bunt iyo Azania)”.  Prof. Dr. Muxammad Shamsaddin Megalommatis

Hadalkan waxa yidhi aqoonyahan u dhashay dalka Giriigga oo ku xeel dheeraaday sooyaalka dalalka Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika. Waa hadal aad u qaayo leh. Waxa se layaab leh moogganaanta dadkeenna ay mooggan yihiin sooyaalkaas faca weyn leh iyo danayn la’aanta ku aaddan tagtada iyo raadadka duulalkii innaga horreeyay ee ku dhaqnaa dhulkeenna.

Ka hor inta aynaan gudo gelin nuxurka qoraalkan kooban, waxa is-waydiin mudan: Maxaynnu ka rabnaa in aynnu isku howlno ogaanshiiyaha sooyaal bulsho oo soo taxnaa ammin aad u fog oo laga soo gudbay, tiiyoo ay weliba aanay jirin dhigaal/kayd qoraallo fac weyn oo ku saabsan arrinkaas?

Si kooban, eray-celintu waxa ay tahay: Sooyaalka, hadhaaga aqooneed iyo dhaqanka ay bulsho isu tiriso ama sheegato, waa midka iyaga ka gaar yeela bulshooyin kale, gun-dhigna u noqda astaynta ahaanshiiyaheeda. Dhaqanka, hiddaha, afka iyo maan-kaashiga (fikirka) bulsho waxa ay wadar-ahaantood ahaanayaan wax qaayo leh oo bulshada iska leh u ah baadi-sooc. Kala-duwanaanshaha bulshooyinka ayaana ka qayb qaata hodminta dhaqan ee bulsho-weynta adduunka.

Soomaali-ahaan, waxa boggaga sooyaalka innoo galay, ama dad badani iska dhaadhiciyeen aragtida ah in bulshada Somaaliyeed tahay bulsho cusub oo aan fac-weynaan lahayn. Ha yeeshee fac-weynaanta bulshada waxa markhaati dhow u ah afka ay ku hadlaan oo ugu horrayn ka tirsan bah-afeedka Kushitigga oo ka mid ah 5-ta af ee ku kulma bah-weyne-afeedka Afro-Asiatic ama Afafka Badda Cas (Erythraean family of languages) oo kala ah: Kushitigga, Jaadhiga, Barbarka, Saamiga iyo Masrigii hore.

Saansaanka degel-baadhiseed ee carrigeenna

Dhinaca raadadka sooyaal, laguma samayn carriga Soomaaliyeed baadhitaanno degel-baadhiseed oo qoto dheer, waxa se jiray hawlo lagu tilmaami karo in ay bilow yihiin ama guud-mar wanaagsan oo ay qabteen A.T. Curle (1937) iyo N. Chittick (1969). Beryahan dambe se waxa xiisihii degel-baadhiseed kor u qaaday soo-shaac-bixintii ay Proff. Xavier Gutherz iyo kooxdiisi ku sameeyeen Laas Geel (2002) iyo Sacda Mire (degel-baadhihii Soomaaliyeed ee ugu horraysay) ay ku samaysay xaradh-godeedka Dhambaliin (2008). Sidaas daraadeed, beryahan dambe waxa isa soo taraayay aragti ka geddisan ta aynnu kor ku soo tilmaamnay ee la’aad ama meel madhan ka dhigaysa in bulshada Soomaaliyeed ahaan jireen duul il-baxnimooyin hore lahaa. Waxa soo if-baxaayay raadad muujinaaya sooyaal iyo il-baxnimo fac weyn oo ka jiri jiray meelo kala duwan oo ka mid ah carriga Soomaalidu deggan tahay – siiba buuralayda Golis iyo dhulalka xeebaha ah. Dhinaca kalena, waa ay jiraan raadad kale oo il-baxnimo oo ka jira magaalo-xeebeedyada koonfurta carriga Soomaaliyeed, ha yeeshee kuwaasi ma ay ahayn qaar loo gaar yeeli karo Soomaalida, balse waxa ay intooda badani ahaayeen qaar ay door xooggan ka qaateen aloosiddooda bulshooyin kala duwan oo xilliyo kala taggan degay xeebaha koonfureed oo isugu jiray Carab, Iiraan iyo Hindi.

Daah-fur degel-baadhiseed oo cusub

Arrimaha ugu xiisaha badan ee waa/xilli cusub u berinaya sooyaalka Soomaalida iyo dhulka ay Geeska Afrika kaga dhaqan yihiin, waa daah-fur cusub oo la xidhiidha raadad iyo hadhaa aad u fac weyn oo lagu hilaadin karo in ay la fac yihiin il-baxnimadii Masaaridii Hore (haddii aysan kaba da’weynayn karin). Raadadkaasi waxa ay u dhigan yihiin qaab kuro (madaxyo) ka samaysan dhagax iyo alaabooyin kale oo aan laga garan karin kuwii ay samayn jireen Masaaridii dhaqnayd xilligii Faraaciinta.

U kuur gal aan ku sameeyay raadadkaas, oo laga helay meelo kala duwan oo Somaliland ka mid ah, siiba Hargeysa, Buuraha Naasa Hablood, Laas Geel iyo meelo kale, waxa iiga soo baxay sida ay u xidhiidhsan yihiin sooyaalka Masaaridii hore iyo dadkii ku dhaqnaa Arladii Bunt.

Qof kasta oo Soomaali ah oo wax ka yaqaanna ama ka og sooyaalka bulshada Soomaaliyeed, haddii la waydiiyo meesha ay ku oolli jirtay ama loo yiqiinnay Arladii Bunt waxa aan muran ka jirin in uu ku sheegi doono carriga Soomaaliyeed siiba dhulka ku dherersan Gacanka Berbera (Cadmeed). Ha yeeshee 50-kii gu’ ee u dambeeyay arrintaas waxa la geliyay muran badan, waxana ay badiba culimada ku xeel dheeraatay sooyaalka Bariga iyo Waaqooyiga Afrika u badan yihiin in ay dhulka Eriteriya ku sheegaan meeshii ay ahaan jirtay Arladii Bunt.

Haddaba murankaas ku saabsan meesha ay ahaan jirtay Arladii Bunt waxa uu u dhow yahay in uu soo gebageboobayo marka loo kuur galo raadadka dhowaalahan soo if baxaya ee laga helay meelo dhowr ah oo Somaliland ka tirsan.

Cilmi-baadhis ku saabsan Arladii Bunt

Faahfaahinta meesha ay ahayd Arladii Bunt waxa aan si qoto dheer ugaga hadlay buug dhowaan soo bixi doona oo magaciisa la yidhaahdo ‘The Mystery of the Land of Punt Unravelled”. Doodda uu buuggu xambaarsan yahay iyo aragtiyaha uu soo ban dhigayaa waxa aan ku soo koobayaa dhowrkan qodob:

In Arladii Bunt ay ahayd carriga Soomaaliyeed. Doodda buugguna waxa ay kaga duwan tahay doodaha ay soo jeediyeen culimadii hore in dhammaan soo jeedintoodu aysan lahayn caddayn degel-baadhiseed (archeological evidence) tani se ay ka duwan tahay, oo raadad la taaban karo badhi-taar u yihiin.

In dadkii ku noolaa Arladii Bunt (oo ah carriga Soomaaliyeed), sooyaal-yahannaduna ku tilmaameen “the People of Punt” ama “Punitites” iyo Masaaridii Hore ay isku dad ahaayeen.

In ay Masaaridii hore ka tegeen carriga Soomaaliyeed, il-baxnimadii dhulkan ka jirtayna ay hordhac u ahayd il-baxnimadii sida weyn uga aloonsan tahay dacallada webiga Niilka.

Caddaymaha tirada badan ee aan cilmi-baadhistayda ku helay waxa ka mid ah isu ekaanshaha labadan muuqaal (eeg hoose) oo ka bidix yahay boqorkii dhallinyarada ahaa (16 jir) ee ka tirsanaa Faraacinadii Masar, magaciisuna ahaa Tutankhamen oo ku gaadhan gashigiisii (hugiisii) boqornimo: Waxa uu labada gacmood, si is-weydaar ah ugu haystaa laba shay oo astaan u ahaa awoodda boqornimo oo kala ah ul (flabellum) u samaysan qaab hangool, dhinaca kalena waxa uu ku haystaa ul kale (crook) oo madaxeedu sida bakooradda u samaysan tahay. Waxa kale oo ka muuqda madaxiisa muuqaal mas (jaadka kobraha loo yaqaan) iyo gorgor. Maska madaxa lagu muujinayo waxa ay Faraacinadii hore ka rumaysnaayeen in uu dab holoc ah afka ka tuuri jiray, lana beegsan jiray nacabkooda (cadowgooda). Astaan kale oo muuqaalka Tutankhamen ka muuqataa waa gadhka dheerer ee dhammaan boqorradii Masaarida lagu arki jiray muuqaalladooda.

Muuqaalka Bidix boqorkii Tutankhamen ee Masriga ahaa

Muuqaalka Midig dhagax laga helay meel ka mid ah Somaliland

Bal haddaba aynnu barbar dhigno muuqaalkan midigta xiga oo laga helay meel ka mid ah Somaliland, siiba agagaarka Hargeysa. Wax lagu kala sooci karaa ma jiraan! Maskii, gorgorkii, hangoolkii, bakooraddii iyo gadhkii.

Fari kama qodna, ha yeeshee akhristaha ayaan u daayay in uu aragti ka yeesho muuqaalladan.

5. Gabagebo

Bulshada aan tagtadeeda ku haysanin wax ay dib ugu laabataa waxa ay ka dhigan tahay sidii baal shinbireed ay dabaysha kolba gees u qaadayso. Waxana hodannimada dhaqan iyo raadadka sooyaal ee ay leedahay bulsho koriyaan hankeeda. Dhinaca kale, soo-shaac-bixinta, kaydinta iyo soo bandhigidda raadadkaas hore waxa ay ka qayb qaadan karaan isku-dhafka dhaqaale ee dalkeenna – halkii ugu badnaan il keliya ama laba uun lagaga tiirsanaan lahaa – tiiyo dad badan oo dalxiis ahi soo booqan karaan dalkeenna, dhaqaalena kusoo kordhin karaan.

Haddaba waxa habboon in daryeel iyo ilaalin loo fidiyo dhaxalka sooyaal ee dhulkeenna ku duugan. Xilka ugu weynina waxa uu ka saaran yahay xukuumadda. Ha yeeshee waxa muuqata in xukuumadihii isaga dambeeyay Somaliland aysan ku tallaabsan wax-qabad muuqda oo ku aaddan dhinaca raadadkaas sooyaal (aathaar) ee qaayaha leh. Waxa kale oo muuqata in Agaasinka loo igmaday howlaha jaadkan oo kale ahi ahaado mid kolba Wasaarad lagu ladho, isla markaana ay hadhayso saldhigasho-la’aan iyo dhaqaale la’aani.

Haddaba waxa fiicnaan lahayd in agaasin ama wasaarad madax bannaan oo ku suntan ama ka shaqaysa Hiddaha iyo Degel-baadhista (Culture and Archeology), loona awood siiyo in ay xilkaas culus ee qaayaha leh si fiican u gutato.

Ahmed Ibraahin Cawaale

aiawaleh@gmail.com

http://ahmedawale.blogspot.com

Dood cilmiyeed loo qabtay dhalinyarada Gobolka Banaadir oo maanta ka dhacay deg. C/casiis
Dood cilmiyeed looga hadlayay sida dhalinyarada ay xilligan loogu heli karo waxbarasho wanaagsan si aanay loo marin habaabin ayaa maanta lagu qabtay degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.

Dood cilmiyeedka oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Wada hadalka bulshada ee CCD ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir, maamulka degmada C/casiis, Dhalinyarada degmooyinka iyo Ardayda Iskuulada waxbarashada.

Ugu horeyn ayaa waxaa dood cilmiyeedka furay Gudoomiyaha degmada C/casiis C/llaahi Xuseen Xasan (Fanax) oo sheegay in sharaf weyn u tahay in degmadiisa lagu qabto dood cilmiyeedkan, isagoo ku ammaanay Hey’adda CCD sida ay wax badan uga qabatay wacyi gelinta dhalinyarada Soomaaliyed.

“Waxaa sharaf weyn noo ah in maanta degmada C/casiis lagu qabto kulankan ay isku arkayaan dhalinyarada, waxaa ka wada hadleynaa ajandayaal wax u tar u ah mustaqbalka dhalinyarada iyo sidii ay u noqon lahaayeen garab in dalka uu ka soo kabsado bur burkii ku dhacay”ayuu yiri Gudoomiye Fanax oo uga mahad celiyay Hey’adda CCD sida horseed ugu tahay wax u qabashada bulshada.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in xilli adag lagu jiro, isla markaana looga baahan yahay in dhalinyarada ay samata bixiyaan, isagoo xusay in dhalinyarada degmada C/casiis ay maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ay ku marti geliyaan xeebta Liido dhalinyarada degmooyinka Gobolka Banaadir.

Agaasimaha Xiriirka degmooyinka ee Gobolka Banaadir Mukhtaar Maxamed Axmed ayaa sheegay in doorka dhalinyarada uga aadan inay helaan waxbarasho ay tahay mid lagama maarmaan ah, isagoo xusay in qofka markuu wax barto aanay si fudud wax qaldan loogu shubi karin.

Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Nabadgelyada Warsame Maxamed Xasan (Joodax) ayaa sheegay in amniga hadaan la iska kaashan aanay jiri doonin waxbarasho, isagoo ugu baaqay dhalinyarada inay marka hore nabadgelyada ka qeyb qaataan, waxbarashadooda xoojiyaan.

“Wixii naga lumay inaan dib  u saxno nagala rabaa, waxbarashada waxay ku jirtaa nolosha, waayo hadaadan wax baran berri horumar ma gaareysid, waxaan ka saarnay oo aan baneynay ilaa 90-iskuul  in wax lagu barto, taasna hadaan maamulka nahay waa inaan ka qeyb qaadanaa”ayuu yiri Warsame Joodax.

Gudoomiyaha dhalinyarada degmada C/casiis oo dood cilmiyeedka ka hadlay ayaa sheegay in marka hore loo baahan yahay in dhalinyarada ay diiwaan geliyaan iskuulada, isla markaana la koontaroolo macalimiinta waxbareysa, si aanay u dhicin ardayga wax la baraya uusan u qaadan fikrad qaldan, isagoo soo jeediyay in la helo Manhaj mideysan.

Sidoo kale Gudoomiyaha Horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed Abshir Axmed (Abshir Black) ayaa sheegay in kaalinta waxbarashada kaga aadan dhalinta ay tahay mid ballaaran, isla markaana muhiim tahay in mar walba la ogaado in Macalinka wuxuu barayo ardayga la ogaado, isla markaana lala socdo dhaq dhaqaaqa Iskuulka, si aanay u dhicin in fikrad qaldan lagu shubo ardayga.

Ugu dambeyn waxaa ka hadlay dood cilmiyeedka Gudoomiyaha dhalinyarada degmooyinka Waabari, Dayniile iyo degmada Kaxda ayaa sheegay in dhalinyarada ka go’an tahay sidii wax u baran lahaayeen, si aan loo marin habaabin, waxayna u mahad celiyeen Hey’adda CCD, iyagoo codsaday in loo joogteeyo.

Sami finalka Codeyntii Fanaanka vs Fananaada sanadka 2012-2013 oo Maanta Bilaabatay ,yaa u bixi doona Finalka loolan adag ka dib……..
Waxaa Saaka si Rasmi ah loo Daahuray Codeyntii sami finalak Fanaanka vs Fanaanada Sanadka 2012-2013 oo ay isagu soo hareen 4 hobol oo dhinaca wiilasha ah vs 4 Hobol oo dhinaca hablaha ah kuwasoo  loolan adag uu dhexmari doono 16 ilaa 20 juun 2013 ee Todobaadkaan waxaana 4ta hobol ee soo baxada ay markaasi hadii Alle idmo Todobaadka soo socda isku herdin doonaan Finalka Codeynta loo qadayay Bishaan juun 2013ka Fanaanka vs Fanaanada Sanaka 2012-2013 Codeyntaasi oo ay ka qeyb galeen 32 fanaan loona qabtay habka Champions liguae oo lagu bilaabay Guruubyada ayaa soo bilaabatay 1juun 2013,waxaana 16ka badisay oo isgau jiray 8 wiil iyo 8 hablood la isagu huftay min 2 vs 2 iaydoo 8 badisay ay markaasi u baxeen sami finalka Maanta oo Taariikhdu tahay 16-6-2013ka bilowday.

Santuuqa Wiilasha sidaaan ayey isagu dhaceen 4ta hobol ee u soo baxday Sami finalka

Axmed Biif Vs Cabdijabaar Alkhaliiji

Jooqle vs Cabdiwahaab Booska.

Labada badisa ayaa ku loolami doonta  Codeynta kama dambeysta ah ee Finalka fanaanka Sanadka 2012-2013

Santuuqa Gabdhaha sidaan ayey isagu dhaceen 4ta hobol ee u soo baxay sami finalka

Farxiyo Fiska vs Xaawo Kiin

Nimco dareen vs Fartuun Cumar

Labada badisa ayaa ku harami doonta Codeynta finalak ee Fanaanada Sanadka 2012-2013.

ku soo codee iimeylkaan. Uurdoox2011@hotmail.com

N.B Codeeyuhuw axa uu u codeyn karaa 1 wiil iyo 1 gabar,ama 1 wiil  oo kaliya ama 1 gabar oo kaliya.

uma codeynkaro 2 hobol wax ka badan,sidoo akle uma codeyn karo 2 hobol oo dhinaca Wiilasha ah ama 2 hobol oo dhinaca Gabdha ah

Waxaa diyaariyay.

Axme Maxamed Cabdulle’Uurdoox’

Uurdoox 2011@hotmail.com

Abwaan Yuusuf-Shaacir Oo Tix Baroor-diiq Ah Ka Tiriyey Geeridii Ku Timi Marxuum Abwaan Macalin-Dhoodaan Oo Dhawaan Geeriyooday
Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille (Yuusuf-Shaacir) oo ka mida Suugaanyahanada sida weyn looga tix-galiyo gayiga Somalida ayaa tiriyey Gabay cusub oo uu ugu baroor-diiqayo Abwaankii caanka ahaa ee C/laahi Macalin Axmed (Dhoodaan) oo 26/04/2013 ku geeriyooday magaalada Harar ee dalka Itoobiya.

Gabaygan baroor-diiqda ah ayuu Abwaan Yuusuf-Shaacir ku iftiiminayaa kaalintii qiimayha badnayd ee Marxuum Abwaan Dhoodaan kaga jiray dhaqanka iyo Fanka Somalida Iyo waliba foogaha la isweydiinayo cidda buuxin doonta ee uu banneeyey Abwaan Dhoodaan Ilaahay naxariistii Janno haka waraabiyee. Waxaanu Ilaahay uga baryey inuu Qabriga u nuuro, Jannooyinkiisa sarena uu ku arsaaqo. Waxaanu ku bilaabay sidan:

Aduunyada wax kaa dhididiyaa kama dhamaadaane

Dhismaheeda weeyaan inaad dhiila maqashaaye

Dharaaraba nin nool bay u tahay dhibiyo aa faade

Dhabaal keedu caawana si buu dhiif u leeyahay ye

Dhagidiiday weeyaan war kaa haatan soo dhacaye

Dhacantii la qaadaba huraw dhinac banaanaaye

Dadii gabayga dhoodaan ka baxay ama kadheeraaday

Dhawaaqii libaaxiyo hadaan dhidibadii waayay

Dhoomaha aqoontiyo markay dhaadashada joogto

Dhaydiyo karuurkii hadaan dhaax la shubanayni

Dhirtu magaca dhuuxaw kasiman kalase dhaadheere

Dhoobada ilaah baa kadhigay ruuxba dhalankiise

Wayeel la dhawriyo qaryaan dhiiran baa tagay ye

Dhaqankiyo hidihii aan jeclaa waa dhitinayaaye

Hal iidhiman halaan layba dhigin halal kaloo dhuuntay

Hal dhaawade halaan dheewadiyo halaan ku dhiiftoomay

Hal dhacsiga halaan dhaacan jiray dhaabadiyo xeerka

Dhama a iyo dhuyaalkiyo markaan dhuuga xidhanaayay

Dhulkaygiyo abwaankii yiqiin shayba dhaqankiisa

Ama dhacarta jiilaal wakhtiga dheegaw garanaayay

Dharaartuu lahaa iyo xaqaa dheelmad soo galay e

Ilaahay dhibaabaha qabriga hawga dhigo nuur

Dhulka aan ku foororo tashigan igu dhanaanaaday

Ama aan u dhawrsaday cabdiw dheeman baan tabaye

Dhan u ciiryay u dubkii dhigaha dhaaxaha hayn jiraye

Dhoomihii cuslaa iyo xilkii igu dharaarawye

Sidii galaw daruur dharagtay iyo dhibic kayaabaaya

Dhaawaca dabeetiyo ka baqay gawre dhaxameede

Dhaayaha ninkii laga ridaa dheehashada diiye

Dhoodaan tu saaluu ahaa dhaqan ku jeeraaye

Dhalinyaro tahriibtiyo haween doorshay dhalankooda

Dhadadiyo hu maaguu lahaa haw dhagtaagina e

Dhaxal lagu nagaadiyo af kuu dhaabadayn jiraye

Alaylehe cad ceedbaa dhacdiyo damalki dheeraa

Dhamacdiyo qiyaamaha ilaah dheegsan kugu beegye

Dabi dhaafna kuu raaciyo dhawris gooniyehe

Dhacadiid la jiifiyo qabrigu dhaadan kuu noqoye

Dhadhankii fardawsiyo janada dharag laguu siiye

Aduunyada waxdhaameyo ilaah kuu dhitee sharaf’e

Jamaal Ibrahim Maxamed

Somaliweyn Media Center

Hargeysa,

Tel. 002522-4405388

mustaqbal7@hotmail.com

HALKEED XOOLAHAAN KA KEENTAY?
Waxaan halkaan idinkugu soo gudbinayaa sheeko uu ii sheegay wiil aan saaxiibo nahay taas oo aad iiga qoslisay lagana yaabo in aad maqashay qayb ka mid ah oo ay aad kaaga ooyinsiisay.

Aan isaga kiin dhex boxo idinka iyo sheekadii Cali Osman.

Waxay ahayed sanadkii 1988-dIi mar aan saaxiibnay wil aan wax badan iga weynayn oo dhalinyaro ahaa oo magaalada ku cusubaa kaas oo aad u danaynayay in uu xaafadda ku yeesho saaxiibo oo uu ka mid noqdo CIYAALKA XAAFADDA.

Hadaba aniga iyo rag kale waxaan ka mid naqanay saaxiibadii uu xaafadda ku yeeshay oo ay isu badnaayeen, wuxuuna badanaa nagu qaadi jiray gaari quruxbadan oo uu lahaa oo ahaa Lanadcrusar, kaas oo aan aad u xiisayn jirnay in aan raacno oo aan ku tagno laba guri oo aad u waaweyn oo uu ku lahaa xaafadda Huriwaa.

Anigu inta ay sheekada socoto waxaan jeclaa in aan ku fariisto kuraasta loogu tala galay raaxada oo ay dadka qaar u yaqaanaan (kursi jiifka) kaas oo inta aan ku raaxaysanayo aan ka fakari jiray waxa badan ee wiilkan yar u qabsamay iyo dadaalkiisa dheeraadka ah waayo mar aan sheekaysanaynay ayuu ii sheegay in uu Xamar joogay afar sanadood kaliya kana yimid degmo markaas igu cusbayd oo uu iigu sheegay in la yiraahdo Garoowe.

Waxaanan is barbar dhigi jiray mudada yar ee uu wiilkaan joogay magaalada iyo sida wax walba uu u haysto iyo sida aabahay oo ku dhashay Xamar, noloshiisa oo dhanna ahaa boolis kuna hadli jiray luqadaha ingiriiska iyo talyaaaniga kuna ficnaa aaladda ugu sareysay ee markaas la adeegsado oo ahayd taybka ay ugu suura gali waysay in hal boos oo uu lahaa oo uu markii danbana uu duruuf dhaqaale darteed u gaday in uu ka dhiso wax ka badan laba qol oo jiingad ah.

Anigoo arinkaas la yaaban ayaa maalin maalmaha ka mid ah aniga iyo asxaabtaydi kale oo la qadaynayna wiilkii saaxiibkayn ahaa ayaan mar qura afkii kala furtay oo aan wiilkii su’aalo ooda uga qaaday anoo aad ula dhacsan shakhsigan ay mudada yari wax walba ee uu qof ku riyoon lahaa ugu suura galeen.

Waxaan iri nin yahow runtii waxaad tahay nin aad iiga yaabshay oo dadaal badan waayo waxaad joogtay halkan Muqdisho afar sanadood kaliya sida aad ii sheegtay hadana wax badan ayaa kuu qabsamay, arintaas sidee kuugu suura gashay?

Ujeedadaydu ma ahayn dulmi iyo in aan wax duro laakiin waxaan doonayay in aan fakrad fiican wiilkaan ka helo si aan aabahay ugu tilmaamo dariiq sahlan oo lagu heli karo shaqo ka fiican tan uu hayo hadda laguna yeelan karo guryo iyo baabuur.

Yarkii baa asaga oo qoslaya si sahlan uga jawaabay su’aashaydii wuxuuna i yiri “dayn baan bangiga ka qaatay” laakiin intii ugama harine waxaan kale oo aan weydiiyay gaarigan iyo shaqadan wanaagsan sida uu ku helay laakiin yarkii ayaa markale si fudud uga jawaabay su’aasheydii oo wuxuu i yiri waxaa waziir ah adeerkay.

Isla markiiba waxaan u soo degdegay gurigii yaraa ee jiingadda ahaa ee aan degenayn si aan aabahay ugu sheego dariiq fudud oo lagu dhisan karo guryo waaweyn baabuurna lagu yeelan karo taas oo ah in bangiga laga shaqeeyo daynna laga qaato oo kaliya.

Ilaahay ha u naxariistee aabahay asagoo qoslaya ayuu asna si sahlan iiga jawaabay oo i yiri aabe arimuhu maaha sida aad moodeysid, aniguse kuma qancin jawaabtii aabe i siiyay ee waxaan sii raacsady su’aal kale anoo weliba uga sheekeeyay guusha saaxiibkeey gaaray, ayaan iri maxaa diidaya in aan noqono sidii wiilkaas, Aabe ayaa wuxuu ku gaabsaday waa sheeko aad u dheer ee madaxa ha isaga xanuunin, akhri duruustii iskoolka lagaa soo siiyay hadii aad doonaysid in aad heer gaartid ku dadaal waxbarashada,

Aabahay ma jeclayn in uu nooga sheekeeyo waxyaabo badan oo markii danbe aan ogaaday ha ahaato qaar aan ka akhristay buug-tii laga qoray sababihii burburka soomaaliaya,ama waxyaabo kale oo badan oo marki danbe waqtiga iyo waayuhu i baray.

Aabahay alaha u naxariistee xitaa weligiis iima sheegin reerka aan ahay, ilaa waaga nagu baryay oo markii lakala cararay aan ogaaday waxa aan ahay, sababta loo kala cararay iyo waxa aniga igu reebay muqdisho oo anan ku lahayn wax guri ah, iyo waxa uu saaxiibkay uga cararay guryihisii waaweynaa.

Nasiib xumo aabahay wuxuu dhintay asaga oo weli degen guri ijaar ah Alaha u naxariisto, laakin nasiib wanaag caruurtiisii waxay sii wadeen in ay ku socdaan wadadii uu kula dardaarmay oo ahayd in aysan xaaraan cunin waxna bartaan,waxaana maanta caruurtiisii ka mid ah dhakhaatiir,ganacsato iyo rag faafiya diinta Ilaahay, taas oo aan hubo hadii uu noolaan lahaa in uu ku farxi lahaa wadadii uu dooraty ee ahayd in uu ka fogaado xaaraanta, waxaan kaloo ku faraxsanahay in aysan jirin maanta dayn laga qaatay bangi ama qofkale oo loo haysto, Ilaahay ha u naxariisto.

Cali Osman asagoo sheekadiisii sii wata ayaa waxa uu yiri waxaan habeen dhaweyd ku arkay yarkii saaxiib keey ahaa ee aan idinkaga soo sheekeeyay kaas oo aanan mudo is maqal isna arag, asagii oo aan aqaan oo ka qaylinaya Universaltv asagoo ku doodaya in hanti uu leeyahay lagu haysto Muqdisho oo uu yahay dhibane, taas oo runtii aad iiga qosolisay halka laga yaabo in dadkale oo badan uu warkaasi ka ooyin siisay kuwaas oo aan ogayn qaybtii hore ee shekada iyo sida hantidu ku timid, aqoonna u lahayn wiilkaas iyo dad badan oo la mid ah in waxa ay sheegayaan ee ka maqani aysan ahayn hantidooda laakiin ay tahay hantidii qaranka Soomaaliyeed taas oo u baahan in dib loo eego sida laga yeeli lahaa.

Runtii waxaa jira dad wax ka maqanyihiin iyo dad kale oo haysta wax aysan lahayn. laakiin waxaan hubaa in kuwa ay wax ka maqanyihiin ay aad ugu faraxsan yihiin dowladda hana qaaday iyaga oo ogsoon Hadi dowladi jirto in cadaaladina jirayso oo ay helayaan xaqoodii, waxayna ogyihiin halka ay ka jirto baadida in aysan ahayn Unversaltv iyo in la caaytamo balse ay tahay Maxkamadda gobolka ay wax uga maqanyihiin iyo xafiisyada dowladda ee ay arintaas khuseeyso.

Hadda su’aasha maskaxdayda ku soo hartay ee aan weli is weydiyaahi waxa ay tahay dowladdu hantidii lagu dhisay daymahii laga xaabsan jiray bunuugta iyo dhulkii lagu xoogay shaarka dowladda ma xisaabin doontaa mise waxay dhihi doontaa CAFALLAHU CAMAA SALAF ?

Waxaan maqaalkaygan ku soo gaba gabaynayaa shirib uu abwaan soomaaliyeed yiri kaas oo aan is leeyahay in uu halkaan ku haboon yahay, ILAAHAY HA TABANTAABIYEE ….. DOWLADDU HOWLI WAA U TAAL, waxaana iga tala ah qofkasta ee xaq lagu leeyahay in laga qaado qofkasta ee xaq lehna in la siiyo laakin in arintaas laga hormariyo hal sheey oo muhiim ah kaas oo ah xisaabtan dhab ah ” HALKEED XOOLAHAN KA KEENTAY”.

WQ. Abdiaziz Mohamed.

aziizxg@hotmail.com.

Xaaladda Nafaqada Caruurta Isbitaalka Baledweyne oo soo hagaageysa + Sawirro
Caruurta nafaqo darida ee jiifta Isbitaalka Baledweyne ayeey xaaladoodu caafimaad si wey u soo hagaageysaa ka dib markii uu qeybta Nafaqada Isbitaalka uu dhawaan la wareegay Ururka Wadaniga ee WARDI oo wax badan ku soo kordhiyay qeybta ka dib markii ay Hay,ada MSF isaga baxday Isbitaalka 31-12-2012 .

Caruurta jiifta qeybta ayaa hela dawooyin,cunto nafaqo leh iyo caanaha logu talagalay caruurta ay xaaladaha nafaqo darida soo wajahday.

Maamulaha Isbitaalka Baledweyne Axmed Maxamed Khaliif oo warbaahinta kula hadlay gudaha Isbitaalka ayaa sheegay in dhowr iyo labaatan caruur ah ay ku jireen qeybta nafaqada ee Isbitaalka markii uu la wareegayay Ururka WARDI affar ka mid ah ayaa laga saaray ka dib markii ay heleen daryeel caafimaad.

Ururka WARDI ayaa sidoo kale qeybta Boosaneerka Isbitaalka ka saartay wasaqda ilaa 20 booyad oo saxarada isbitaalka taas oo ugu dambeysay nadiifinta Boosneerka mudo ku siman 11 bilood.

Madaxa NGOga WARDI Xuseen Cabdi Dhuubow ayaa warbaahinta u sheegay in taageerada ay siinayaan Isbitaalka Baledweyne iyo xaruumaha kale ee daryeelka dadka dhibaateysan ay gacan uga helaan Hay,ada UNICEF Soomaaliya waxaana uu sidoo kale tilmaamay in dadaal weyn ku bixinayaan gurmadka loo sameynayo Soomaalida dhibaateysan.

Qeyla dhaan laga soo saaray maxaabiis ku xidhan xabsiyada Hargeysa iyo Mandheera =Warsaxaafadeed=
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ogaatay afar qof oo xidhnaa mudo dheer iyaga oo sugayey in dacwad lagu soo oogo. Maxamed Nuur Xirsi, iyo Maxamed Cabdi Xasan waxa la xidhay 14/1/2010 halka Shucayb Ardaale Warsame  la xidhay 7/12/2011, sidoo kale Cabdishakuur Abiib Diiriye waxa la xidhay 12/1/2012. Afartaas qof waxay xidhnaayeen inta u dhaxaysa sadex sano iyo lix bilood iyo sanad iyo lixbilood. Waxa laga soo kala qabtay Gebilay iyo Hargeisa.

Afartan qof waxa loo haystaa dhadcooyin ka dhacay degaanka u dhexeeya Gebilay iyo Boorama halkaas oo lagu laayay dad. Waxana lagu eedeeynayaa inay geysteen dil, budhcadnimo iyo kicin dadwayne.

Waa arin aad looga naxo in mudo ka badan sadex sano iyo badh qof xidhnaado isaga oo ka warsugaya in dacwad lagu soo oogo.

Sharcigu wuxuu ku xadiday inta u badan ee qof loo hayn karo garsugid 90 maalmood. Afartan qof waxay u xidhnaayeen sifo sharci darro ah in ka badan intii sharcigu jideeyay in la hayo.

Waxa dastuurku si cad u xaarantinimeeyey in qofna la hayo in ka badan inta sharcigu jideeyey sida ku cad qodobka 27 ee dastuurka Somaliland.

Sida ku cad qodobka 27(9) waxa lagu mutaysan karaa ciqaab hadii la dhawri  waayo hanaanka sharcigu u dejiyay u haynta qof garsuge ahaan. Xeerka Habka Ciqaabtu wuxuu waajibinayaa in mudada qof loo hayo garsuge ahaan ay waajib tahay in todobaad walba la horkeeno garsoore si uu uga go’aan gaadho hadii uu u baahdona u cusboonaysiiyo mudo todoba maalmood ah. Taas oo macneheedu yahay in aan qof la hayn karin wax ka badan todobo maalmood.

Waxa waajib ku ahayd dawladda inay ku soo oogto dacwadda ay u haysato oo horgeyso maxkamad, balse sharcigu uma ogolaanayo inay qof iska haystaan.

Sida ku cad qodobka 25 ee dastuurka qofna xoriyadiisa loogama qadi karo si aan xeerka waafaqsanayn. Qodokba 25 (3) wuxuu ku waajibinayaa dawladda inay damaanad qaado xuquuqda iyo xoriyaadka muwaadiniinta.

Sida uu dhigayo qodobka 26 ee dastuurka eedaysanuhu waa dembi laawe inta aanu maxkamad horteed kaga caddanin dembi. In qof la hayo mudo dhawr sano ah isaga oo garsuge ahi waxay ku gefay dembi-laawinimadiisa.

Waa werwer aad u wayn in xabsiyada Somaliland lagu hayo dad si ka soo horjeeda sharciga Somaliland.

Talo-soo jeedin:

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinay masuuliyiinta Somaliland:

Inay si degedeg ah u sii dayaan dadkaas mudada dheer xidhnaa hadii ay dacwad u hayaanna aay sida ugu dhaqsaha badan ay ugu soo oogaan,

In baadhitaan lagu sameeyo waxa keenay in dadkaas mudo intaas leeg la hayo, ciddi masuuliyadeeda lahaydna talaabo laga qaado

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeisa Somaliland

+252 (0) 63 4468227

LA YAABKA DUNIDA: Daanyeerkii ugu Horreeyey ee Abid Beerka Doofaar Looga Beddelo
Daanyeer ku dhaqna dalka China, ayaa noqday daanyeerkii ugu horreeyey ee buugga dhacdooyinka gala, kadib markii si guul leh beerka looga beddelay doofaar khubaro beerkiisa si macmal ah u farsamaysay.

Halkaan ka akhriso Wareysiga oo dhameystiran