|

Dr. Jamaal Barrow oo la dardaarmay 20 Diblomaasi oo Soomaali oo tababar u jooga South Africa + Sawirro

Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Pretoria ee caasimadda South Africa ayaa maanta si rasmi ah loogu wadaa in loogu furo tababar diblomaasi heerkiisu sareeyo , kaasoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee South Africa ay ugu deeqday Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga Dr. Jamaal Maxamed Barrow ayaa kula kulmay diblomaasiyiintaasi Protea Hotel Hatfield ee Magaalada Pretoria kadib socdaal dalxiis ah oo diblomaasiyiintaasi ay ku soo kala bixiyeen deegaanka Pilanesburg gaar ahaan Sun city iyo Manyane Resort , waxaana uu  kula dardaarmay inay ka faa’ideystaan tababarka , si ay ugu saldhigaan istiraatiijiyadda  iyo qorshaha ay ku shaqeyn doonto Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudada afarta sano ee soo aadan.

Dr. Jamaal Barrow Wasiir kuxigeenka Wasaaradda ayaa muujiyay baahida xilligan loo qabo sare u qaadida aqoonta diblomaasiyiinta Soomaaliyeed , si loo helo jiil  ambaqaadi kara shaqada ,horumarna ka sameyn kara howlaha baaxadda leh ee Wasaaraddu ay hiigsaneyso.

Diblomaasiyiintani oo tababar muddo 30 cisho ah maanta uga furmaya wadanka South Africa oo tiradooda ay gaareyso 20 ruux ayaa waxa ay si niyadsami ah u soo dhoweeyeen dhiiragelinta ay ka heleen Wasiir Jamaal Barrow iyo Wasiirada kale ee Wasaaradda , waxa ayna balan-qaadeen inay ka soo dhalaali doonaan howlaha loo igmaday, tixgelin gaar ahna ay siin doonaan tilmaamaha iyo fariimaha wanaajinaya muuqaalka siyaasadda dibadda, si sare loogu qaado magaca iyo sumcadda qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

DSC02496DSC02731 DSC02730 DSC02725 DSC02720 DSC02719 DSC02668 DSC02677 DSC02691 DSC02699 DSC02716 DSC02665 DSC02661 DSC02630 DSC02625 DSC02612 DSC02537 DSC02549 DSC02591 DSC02593 DSC02607 DSC02507 DSC02503 DSC02500 DSC02498 DSC02497 DSC02488 DSC02489 DSC02492 DSC02495 DSC02496 DSC02482 DSC02479

Web Updating, Somaliweyn Website contact@somaliweyn.com www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!
Posted by on Mar 4 2013. Filed under Sawirro, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Halkaan hoose ku qor fikradaada talo, toosin iyo la talin ah ee aad ka qabto warka sare ku qoran, lama aqbali doono fikradaha aflagaadada iyo meel ka dhaca ah