Dr Cabdisaaq A. Dalmar oo Khudbad Taariikhi ah Ka jeediyay Maanta 10 Guuradii jaamacada Banaadir…………

Munaasabadaan Taariikhiga ahah waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Banaadir,kana mid haa aas aasayaashii Jamaacada Banaadir Dr Cabdirisaaq Axmed Maxamed’ Dalmar’ waxaana gudoomiyuhu Hoosta ka xariiqay Ugu Horeyntii in Jaamacada Banaadir ay tahay Jamacad Ku daysho mudan kuna Taagan Xiligaan Heerkii Lagu aqoon jiray ex JUS oo jiri jirtay Barisamaadkii.
DR dalmar waxa uu Xusay in Kuuliyada caafimaadka ay tahay Hooyada Jaamacada Banaadir,Haatana Jamacadu mareyso ilaa 7 Kuuliyadood oo qeybaha Cilmiga ah’waxaan qabaa Yoolka xiligaan Jaamacadu Hiigsaneyso inuu yahy Kii ex Jamaacadii Umadda Soomaaliyeed,waxana naga goan inaan soos aarno Aqoonyahano,Dalkooda,dadkooda iyo diintooda wax tara uguna Adeega daacadnimo iyo Hufnaan isla amrkaana wax tara Jiilka Cusub ee Mustaqbalka.
Gudoomiyaha jaamaca banaadir Cabdirisaaq dalmar oo Khudbadiisu Taabaneysay dhinacyo kala duwan oo la xiriira marxaladihiia y soo Martay jamaacada Banaadir ayaa yiri’ Walaalayaal jaamacada Banaadir ee Maanta u Dabaaldageysa 10 sano Guuradeedii,waxa ay munaasabdu isagu jirtaa U Dabaaldagida Aaas aaska jaamacada iyo sagootinta 100 arday oo halkaan Manata ka qalainjabineysa,sida Muuqata jaamacada Banaadir Hadafkii loo aas aasay waxa uu ahaa sidii loo Buuxin lahaa Kalaintii ay baneysay Jaamaacadii Ummada Soomaaliyeed oo aa dla socotaan aradada sanad kasta ka qalan jabin jirtay,Hadaba anagoo taas ka Duuleyna ayaan ku dhaqaaqnay hirgalinta jaaamacadaan banaadir oo Maanta arday Ku dhow 100 ay ka qalin jabinayaan kuwaasoo isagu jira Wiilal iyo gabdho’
Gudoomiyaha Jaamacada Banaadir DR Dalmar oo hadalkiisa sii wata waxa uu Sheegay in Macalimiinta wax ka dhiga jamaacada Banaadir 20% ay heystaan shahaadada BHD,60% ay heystaan Masterka,halak 20 dhimana ay ku howlan yihiin Diyaarinta BHD.isagoo sidoo kalena Xusay inay ka Howlgalaan jaamacada Banaadir 215 Howlwadeen.
Gudoomiyuhu waxa uu Tilmamay In Jamaacada Banaadir ay xoojisay Xiriirkeeda caalamka isla amrkaana laga aqoon san yahay meelo kala duwan sida Ururka jaamacada Carbta,Kan Afrika iyo kan Islaamka,sidoo kale dalad la magac baxday Somali-run oo ay ku mideysan yihiin 9 Jaamacood oo Soomaali ah ay ka mid Tahay jaamacada Banaadir,sidop kale waxa uu xusay in 20 jaamacood oo ku kala yaala Yurub,Afrika.Amerika, Aasiya,Heyadad Qaramada Midoobay iyo heyado kale inay xiriir la leeyihiin isla markaana Jaamacada Banadir ay Markasta ku dadaaleyso sidii ay u horumarin laheyd Xiriirka ay la leedahay jaamacadaha Dibada.
Munaasabadan lagu xusayay 10 Guurada Aaas aaska Jaamacada Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaya sidoo aklew axaa ka hadlay Masuuliyiin ka Tirsan jaamacadaasi,Macalimiin iyo Marti sharaf kala duwan waxaan dhamaantood ay Hoosta ka Xariiqeen in jaamacada Banaadir at tahay jamaacad Ku Daysho Mudan iyagoo u rajeeyay Masuuliyiinta Jamaacada oo uu ugu Horeeyo Gudoomiyahooda DR cabdirisaaq Axmed dalmar in Xilka adag ee ay umaddooda u hayaan ilaaheey la garab galo.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’Uurdoox’
Uurdoox2011@hotmail.com








dr dalmar ha noolaado waa wadani daacad ah.