|

Dalka Kenya oo maanta ay ka bilaabatay doorashada dadweynaha

Doorshada_Kenya

Dadka Kenya ayaa isugu soo baxay goobaha codbixinta ee dalka, iyagoo si nabadgalyo ah safaf dhaadheer ugu jira inay codkooda u dhiibtaan.

Shan sano ka dib doorashadii muranka dhalisay ee keentay dhimashada 1,100 qof oo Kenyan ah, ayaa tartanka doorashada Isniintan maanta waxaa ka mid ah xilka madaxweynaha ee Kenya.

Madaxweynaha xilka ka dagaya Mwai Kibaki iyo musharaxiinta u tartamaya jagada madaxweynaha, ayaa ku baaqay in la ilaaliyo amaanka oo si nabada ay dadku codkooda u dhiibtaan.

Labada nin ee ku horeeya ra’yi ururintii la sameeyay ka hor doorashada, Ra’iisul wasaare Raila Odinga iyo Ra’iisul wasaare ku xigeeka Uhuru Kenyatta, ayaa labadooduba balanqaaday inay xushmayn doonaan natiijooyinka ka soo baxa doorashada.

Masuuliyiinta Kenya ayaa sheegay in laba weerar oo lagu bartimaameedsaday booliiiska, ay ka dhaceen magaalada xeebta ku taala ee Mombasa. Weeraradan ayaa waxaa ku dhintay 12 qof. Waxa ayna mas’uuliyiintu intaa ku dareen in koox gooni u goosad ahi ay ka danbeysay mid ka mid ah labada weerar, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan todobo sarkaal oo ka tirsan ciidanka booliiska ee Kenya.

Guud ahaan dalka Kenya waxaa aad u sareeya xiisadaha la xiriira doorashada waxaana goobaha codbixinta ee dalka la geeyey 100,000 oo ah ciidamada booliiska Kenya si ay amaanka u sugaan.

Wadaadada diimaha ayaa guud ahaan dadka Kenya ugu baaqay in ay si nabad ah codkooda u dhiibtaan.

Web Updating, Somaliweyn Website contact@somaliweyn.com www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!
Posted by on Mar 4 2013. Filed under Caalamka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Halkaan hoose ku qor fikradaada talo, toosin iyo la talin ah ee aad ka qabto warka sare ku qoran, lama aqbali doono fikradaha aflagaadada iyo meel ka dhaca ah