1 min read

Ciyaar yahan Paul Pogba oo uu walaalkiis u maleegay shirqool.

Mathias Pogba, ayaa la xiray, waxaana lagu sameeyay baaritaan rasmi ah oo ku saabsan inuu u maleegayay qorshe uu lacago baad ah uga qaanayo walaalkiis, xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ee, Paul Pogba.

Afar qof oo kale, ayaa sidoo kale lagu sameeyay baaritaan rasmi ah, oo la xiriira baadda iyo dambiyada, sida ay ilo-wareedyada garsoorka u sheegeen wakaaladaha wararka ee Reuters iyo Wakaaladda Faransiiska ee AFP.

Qareenka Mathias Pogba, ee Yassine Bouzrou, ayaa sheegay in macmiilkiisu uu yahay mid aan waxba galabsan. Wuxuu u sheegay telefishinka Faransiiska ee BFMTV: “Waxaan dood ka qabaa go’aankan.”

Mathias Pogba, oo 32 jir ah, ayaa qirtay inuu ka dambeeyay muuqaal ka soo muuqday khadka internet-ka bishii hore, isagoo kusoo gudbiyey hanjabaad ku wajahan 29-jirka khadka dhexe ee kooxda Juventus, Paul Pogba.

Dacwad oogayaasha Faransiiska, ayaa furay baaritaan dhanka garsoorka ah horaantii bishaan, kadib markii ciyaaryahankii hore ee kooxda Manchester United, ee Paul, uu sheegay inuu bartilmaameed u ahaa baad iyo hanjabaado, uga imaanayay koox burcad ah oo abaabulan.

Wuxuu dacwad u gudbiyay dacwad oogayaasha magaalada Turin 16-kii bishii Luulyo, isagoo ku andacoonaya in baad loogga doonayey in lagaga qaato adduun gaaraya 13m euro (£11.29m).

Laacibka Koobka Adduunka kula guuleystay kooxda dalkiisa Faransiiska sanadkii 2018-dii, Pogba, ayaa beeca furan ugu wareegay kooxda Juventus xagaagan, kadib markii uu ka tagay Manchester United.

Mathias Pogba, ayaa sidoo kale wuxuu yahay xirfad ahaan ciyaaryahan oo u saftay xulka qaranka ee dalka Guinea, wuxuu u soo ciyaaray kooxo Yurub ah, oo ay ku jiraan Crewe, Wrexham, Crawley iyo Partick Thistle.