|

Ciidamada AMISOM oo dib uga soo laabtay Gobolka Galgaduud, soona gaaray Magaalada Baladweyne.

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Dawlada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa qaybo ka mida gobolka Galgaduud ay dib ugu laabteen Magaalada Baladweyne.

Peacekeepers from AMISOM patrol around Hodan district in the capital Mogadishu

Ciidamada Jabuuti ayaa ilaalo ka haayay Raiisal wasaraha Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon Saacid oo socdaalo ku kala bixinaayay deegaano ka mid ah Gobolka Galgaduud, waxaana la arkaayay ciidamada Jabuuti oo wata gaadiidka dagaalka oo saakay wadada laamiga ah ee isku xirta Baladwayne iyo Guriceel ku socda ,kuwaasi oo ku sii jeeday gobolka Hiiraan.

Ciidamadan ayaa ka qayb qaadanayay ilaalinta Wafdiga balaaran ee Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya tan iyo markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb , waxayna ciidamadaasi la tageen degmooyinka Caabudwaaq Cadaado.

Dhinaca kale waxaan la ogayn in ciidamada Jabuuti ay dib ugu laaban doonaan gobolka Galgaduud iyo in kale, iyagoon markii ay yimaadeen qaybo ka mida gobolka Galgaduud ay saxaafada ku sheegeen mid lagu balaarinaayo Howlgalka AMISOM.

Web Updating, Somaliweyn Website contact@somaliweyn.com www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!
Posted by on Mar 7 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Halkaan hoose ku qor fikradaada talo, toosin iyo la talin ah ee aad ka qabto warka sare ku qoran, lama aqbali doono fikradaha aflagaadada iyo meel ka dhaca ah