19 Mar, 2024
1 min read

Madaweyne Xasan Sheekh oo xaqiijiyay in la xiray saraakiil lagu eedeeyay inay ciidanka ka soo saareen furimaha dagaalka.

MAXAAS:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la xiray saraakiil lagu eedaynayo inay ciidanka kasoo saareen furimaha dagaalka. Madaxweynuhu ma uusan sheegin tirada saraakiisha la xiray, hase yeeshee waxa uu sheegay in sharciga lala tiigsan doono. “La isku darsanmaayo, dadka goobaha cadawga aan soo bannaynin la mid ma noqon doono kii iyadoo oo […]

1 min read

Guddoomiyaha G/Hiiraan oo dar-dargelinaya dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Muqdisho :- Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow oo uu weheliyo wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada Hirshabelle, Muuse Salaad wehliye iyo Masuuliyiin kale ayaa gaaray furimaha hore ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta, si ay u dhiiri geliyaan Ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka iyo kuwa Xoogga Dalka. Guddoomiye Sufuroow ayaa markii uu gaaray deegaanka Oya-Mago oo […]

1 min read

Madaxweyne Guudlaawe oo deeq xoola ah ku wareejiyay ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka Daaru-nimca.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kormeeray Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee ku sugan Deegaanka Daaru-nimca ee gobolka Shabeellada dhexe. Masuuliyiinta ayaa goob fagaare ah kula hadlay boqolaal Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa dib u xoreynta deegaan iyagoo ku bogaadiyay […]

1 min read

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Lama Aqbali Doono in La Xagal Daaciyo Halganka Dalka Looga Xoreynayo Khawaariijta”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Xamsa Cabdi Barre oo hadlayey Saraakiil iyo geesiyaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya halganka uu dhiigga badan u soo daatay ee dalka looga sifeynayo cadowga Khawaarijta ah. “Halgankan aad dhiigga badan u soo hurteen lama aqbali […]

1 min read

Madaxweyne Qoor-qoor oo gaaray deegaanno hoos taga Ceelbuur

Ceelbuur :-Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane, Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray deegaanno hoostaga degmada Ceelbuur oo dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta Al-Shabaab. Safarka Madaxweynaha ayaa ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaalada deegaanadaas iyo dhiirragelinta ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha ah iyo shacabka deegaanka, kuwaasoo u awood sheegtay kooxaha khawaarijta ee argagaxisada ah.

1 min read

Horjoogihii Al-Shabaab ee gobolka MUDUG oo isu soo dhiibay Dowladda.

MUQDISHO — Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu isku soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka al-Shabaab. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada dawladda Soomaaliya ee ku sugan aagga Wisil ee gobolka Mudug uu isku soo dhiibay mid ka mid ah amiirada al-Shabaab. Wasiirka aya amagaca sarkaalka […]

1 min read

Wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo booqday Sheybaarka Qaranka

Muqdisho :-Ku-simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna agaasimaha Waaxda Qalabka iyo Daawada Dr. Maxamed Maxamuud Caddow ayaa ku soo dhaweeyey Xarumaha ay booqdeen wafdiga uu hoggaaminayey Agaasimaha Gurmadka deg degga ah ee Xafiis Goboleedka Hay’adda Caafimaadka Adduunk (WHO) Dr. Richard Brenann iyo Madaxa Hay’adda Caafimaadka Aduunka xafiiska Soomaaliya. […]

1 min read

RW Xamsa oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeen ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka

Muqdisho :– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ugu soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TurkSom. Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa tilmaamay in xiritaanka tababarkani uu ku soo aadey xilli muhiim ah oo uu dalku ku […]

1 min read

RW Xamse oo shirguddoomiyey kulan looga hadlayey Xoojinta Amniga Caasimadda.

Muqdisho :-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardar-gelinta amniga caasimadda iyo sidii looga feejignaan lahaa dhagaraha ay cadowga Khawaarijtu u maleegayaan Shacabka Soomaaliyeed. Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in dalku uu ku jira xaalad dagaal oo lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, sidaas awgeedna loo baahan yahay in […]

1 min read

Duqa Muqdisho oo soo xiray tababar ku saabsanaa doorka hoggaaminta hqabaweenka.

Muqdisho :– Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo xiray tababar socday muddo 3-cisho oo loo qabtay ururka haweenka Gobolka Banaadir, kaas oo ku saabsanaa doorka hoggaaminta haweenka. Xiritaanka tababarkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir, Xog’hayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir iyo guddoomiyaha […]