Home » caalamka You are browsing entries filed in “caalamka”

Heshiisku waa is Afgarad Somalia iyo Ethiopia

Waxa siyaabo kala duwan looga hadlay safarkii RW Ethiopia ee Muqdisho, dood badan ayaa kaga dhalatay baraha bulshada Soomaaliyeed ee qolaba fasiraad ka bixisay heshiis, iskaashi, midaw iyo afgarad intaba. Marka an eegno qaanuuniyan Mad/ynaha Soomaaliya ma geli karaa heshiis waa in laga bilaabo sheekada? Madaxweynuhu waa ilaaliyaha Dastuurka, odoga golayaasha dastuuriga (Xukumada, Garsoorka iyo 2 Gole ee sharci […]

June 19th, 2018 | Posted in caalamka,faallo,Wararka | Read More »

Faallo Xiiso Leh: Dadka Soomaaliyeed Dakadahooda Iyagoo Ku Heshiin Magali Karaan Heshiisyo Caalami Ah?

Iyadoo wali dadku Soomaaliyeed intooda badan ay ka walaacsan yihiin heshiiskii Jimcadii la soo dhaafay dhexmaray dowladaha Soomaaliya Iyo Itoobiya kaa oo ka koobnaa 16 qodob ayaa ah mid Umadda Soomaaliyeed oo dib u heshisin dhexmarin la saxiixay arintaasi waxeey keeni kartaa in Soomaaliya colaadii dib ugu soo noqto. Sida kuwa kada socda ee u […]

June 19th, 2018 | Posted in caalamka,faallo,Wararka | Read More »

Hogaamiyihii Talibanka Pakistan oo duqeyn lagu dilay

Hogaamiyihii kooxda Talibanka Pakistan Mullah Fazlullah ayaa la sheegay in lagu dilay duqeyn ay geysteen diyaaradaha Maraykanka. Mullah Fazlullah ayaa la sheegay in uu ku dhuumaaleysanayey buuraha bari wadankaasi Afghanistan. Duqeyntan ayaa khamiistii gelinkii danbe ka dhacday degmada Marawera ee gobalka Kunar ee waqooyi-bari Afghanistan. Fazlullah ayaa sanadkii 2009 u baxsaday dhulka buuraleyda ah ee […]

June 16th, 2018 | Posted in caalamka,Wararka | Read More »

Isbaheysiga Sacuudiga oo qabsaday Garoonka Magaalada Xudeyda

Wararka naga soo gaaraya dalka Yemen ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dalka Yemen ee ay taageeraan isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa qabsadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hudaida. Magaalada Xudeyda ayaa ah Magaalo muhiim ah oo ku taalla maringa ugu Muhiimsan dalka Yemen, waxaana ku taalla dekedda ugu weyn Yemen. Garoonka diyaaradaha ee Xudeyda ayaa […]

June 16th, 2018 | Posted in caalamka,Wararka | Read More »

Imaaraatiga oo bilaabay duulaanka magaalo xeebeedka Xudeydah

Ciidamada Imaaraadka oo ay wehliyaan kuwa dowlada Yemen iyo maleeshiyaad ayaa saaka oo Arbaca ah bilaabay duulaanka ay doonayaan inay ku qabsadaan magaalada Xudeydah oo ay ku taal dekadda ugu weyn ee dalkaasi Yemen. Ciidamadan ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay soo buuxinayey koonfurta magaaladaasi oo ay weli gacanta ku hayaan maleeshiyaadka shiicada ah ee Xuuthiyiinta. Imaaraatiga […]

June 13th, 2018 | Posted in caalamka,Wararka | Read More »

Ra’isal Wasaraaha Itoobiya oo kulan xasaasi ah la yeeshay Madaxweynaha Masar

Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abby Ahmed Ali waxa uu magaca Rabbi ku dhaartay inuusan dalkiisa marnaba waxyeelli doonin Saamiga Masar ee Webiga Niil, xilli ay Dowladda Masar ka walaacsan tahay Dhismaha Biyo-xireenka loogu magac daray Dib-u-curashadda Ethiopia ((The Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ee laga dhisayo Webiga Niil. Ra’isul-wasaaraha Ethiopia waxa uu hadalkaasi ka jeediyey Shir Jaraa’id […]

June 11th, 2018 | Posted in caalamka,Wararka | Read More »

Trump oo ku sii jeeda Singapore si uu ula kulmo Kim Jong-un

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donold Trump ayaa ku sii jeeda dalka Singapore halkaasi oo lagu wado in uu ka dhaco kulanka isaga iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un. Kulanka ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo maalinta Talaadada ee soo socota. Mr Trump ayaa sheegay in ay tahay hal fursad oo la siinayo heshiis nabadeed oo labada […]

June 10th, 2018 | Posted in caalamka,Wararka | Read More »

Ururka Daalibaan oo ku dhawaaqay xabbad-joojin lala yaabay

Hadal-qoraal oo ay maanta so osaareen ayey ku sheegeen Xabbad-joojin 3 maalmood oo socon doonta Maalmaha Ciiddul-Fitriga ee foodda nagu soo haysa. Daalibaan waxay sheegeen inay sii wadi doonaan Dagaalka ay kula jiraan Askarta Shisheeyaha ee jooga Afganistan iyo inay is-difaaci doonaan haddii la soo weeraro. Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay inaysan Daalibaan ka qeyb […]

June 9th, 2018 | Posted in caalamka,Wararka | Read More »

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo shaqadii ka eryay taliye-yaashii ciidamada

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa Khamiistii xil ka qaadis ku sameeyay taliye-yaashii militariga iyo sirdoonka dalkaasi, isagoo kuwo cusubna magacaabay. Ra’iisal wasaaraha ayaa taliyaha ciidamada militariga u magacaabay Seare Mekonen, kaddib markii uu xil ka qaadis ku sameeyay taliyihii hore militariga, Samora Younous. Ra’iisal wasaaraha ayaa shaqada ka eryay taliyihii sirdoonka, Getachew Assefa, isagoona […]

June 8th, 2018 | Posted in caalamka,Wararka | Read More »

Ruushka iyo Imaaraadka oo Saldhig Ciidan ka dhisanaya Somaliya.

Dowladaha Ruushka iyo Imaaraadka ayaa ka wada hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen hardanka loogu jiro awoodda maamulka  Xeebaha Bariga  Afrika iyo Gacanka Carabta. Dhaxal sugaha Dubai Maxamed Bin Zayid ayaa billowgii Bishan waxa uu maagalada Moscow ee Caasimadda Dalka Ruushka kula kulmay madaxweynaha dalkaas Vladimir Putin. Qodobada ay isku raaceen waxaa ka mid ah […]

June 6th, 2018 | Posted in caalamka,Wararka | Read More »

Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*