“Author Archive”
Stories written by reporter

Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Gobolka Sh/ Dhexe

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta dhaq dhaqaaqyo Ciidan laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyadan oo ah kuwa ballaaran ayaa ka socda agagaarka deegaanka Caliyaale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Waxaana ay yimaadeen dhaq dhaqaaqyadan, kadib markii saacadihii la soo dhaafay Al Shabaab weerar qorsheysan ay ku qaadeen fariisin Ciidan […]

August 20th, 2018 | Posted in Wararka | Read More »

Wasiir Beyle oo gaaray Dekedda Muqdisho xilli la xiray Mas’uuliyiintii Kastamka Canshuuraha

Wasiirka Wasaaradda maaliyadda dowladda Soomaaliya ayaa kormeer ku tagay dekedda Magaalada Muqdisho, waxaana uu kulan la yeeshay Madaxda dekedda. Wasiirka ayaa booqday Xafiisyadda Dekedda ee ay  ka socdaan shaqooyinka maalinlaha ah, Waxaana uu sheegay in lasii dardargelin doona howlaha Dekedda Muqdisho. Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in Dekedda Muqdisho ay tahay Ilaha dhaqaallaha ee ugu […]

August 20th, 2018 | Posted in Wararka | Read More »

Maamulka Magalada Marka oo ku dhawaaqay isbedel cusub

Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa shalay la wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya halkaas oo inta badan ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab. Ciidamada la wareegay Marka ayaa waxaa hoggaaminaya Abaanduulihii xilka laga qaaday ee Ciiddanka xoogga dalka Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood,waxana haatan la qorsheynayaa isbedelo dhinac walba ah oo laga […]

August 20th, 2018 | Posted in Wararka | Read More »

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur: “Wali dowlad-nimada Soomaaliya kama bixin Ku-meel-gaar”

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame xilal kala duwan horay uga soo qabtay dowladihii isaga dan-beeyay dalka Soomaaliya, islamarkaana hadda ah guddoomiyaha Xisbiga Wadajir oo maalmihii ugu danbeeyay socdaal ku marayay dalalka dibeda ayaa warbixin guud ka siiyay Soomaalida ku dhaqan magaalada Toronto xaalada guud ee wadanka. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa khubadiisa ku bilaabay in shaqsi-yan uu […]

August 20th, 2018 | Posted in Wararka | Read More »

Malaayiin Muslimiin ah oo Maanta Taagan Buurta Carafo

Maanta oo ku beegan 9-ka Carafo ayaa Malaayiin Muslimiin ah oo isaga kala timid dunida daafaheeda waxa ay taaganyihiin Buurta Carafo. Xujeeyda Ayaa gudanaya Mid kamid ah argaanta ugu muhiimsan ee xajka oo ah rugniga labadaad istaaga buurta Carafo. Muslimiinta ayaa saaka Subixii hore Gadaadiidka basaska ah looga soo qaaday Magaalada Mina. Xujeeyda sanadkaan alle […]

August 20th, 2018 | Posted in Wararka | Read More »

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo shir degdeg isugu imaanaya (Akhriso)

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa bisha soo socota isugu imaanaya shir deg deg ah, kaasoo ka dhici doona magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland. Shirkaan ayaa looga hadli doonaa Danaha maamul goboleedyadda iyo  tan guud ee Qaranka sidda lagu sheegay War kasoo baxay. Waxaa xusid mudan in uu xumaaday xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka […]

August 19th, 2018 | Posted in Wararka | Read More »

Muuwaadin Soomaaliyeed oo fal naxdin badan ka geystay Jarmalka

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa dalka Jarmalka fal xanuun badan ka geystay ka dib markii uu Toorey ku dilay dhaqtar Caan ah oo qaabilsanaa qaliimadda oo u dhashay dalka Jarmalka. Falkaan ayaa ka dhacay Magaalada Offenberg ee dalka Jarmalka, waxaana la sheegay in muwaadinka Soomaaliyeed uu weeraray ku qaaday goob Caafimaad oo uu lahaa dhaqtarka dhintay. Qaar ka […]

August 19th, 2018 | Posted in Wararka | Read More »

Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo Iscasilay

Xildhibaan C/qaadir Gaafoow Maxamuud oo laga soo doorto Galmudug  ayaa iska casilay kursiga Xildhibaanimo ee golaha shacabka sidda ay shaaciyeen Guddiga doorashooyinka. Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismail ayaa ku dhawaaqday inay bilaabeen howsha soo buuxinta 3-kursi oo ka bannaan Golaha Shacabka lagu dooranayo Beydhabo iyo Dhuusamareeb. Kuraastan waxaa baneeyay Agaasimaha NISA Xuseen Cusmaan , […]

August 19th, 2018 | Posted in Wararka | Read More »

Kenya oo baareysa dad ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab

Kenya ayaa sheegtay in ay baareyso saddex qof oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaliya. Saraakiisha dowladda Kenya oo faah faahin ka bixiyay arrintan ayaa sheegay in ay saddexda ruux laga soo qabtay Wadooyi Bari ee dalka Kenya kaddib markii lagu eedeeyay in ay ka tirsan […]

August 19th, 2018 | Posted in Wararka | Read More »

Mas’uuliyiin ka tirsan kastamka canshuuraha Dekedda Muqdisho oo xabsiga la dhigay

Ciidamada Booliska ayaa shalay soo xiray inta badan Mas’uuliyiintii maamuli jirtay  Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho. Dadka la xiray waxaa ku jira Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho Axmed C/llaahi Samow, kuxigeenkiisa iyo shaqaalaha xafiiskiisa. Axmed Samow oo saakay la hadlay Warbaahinta qaar ayaa sheegay in lagu heysto Canshuuro la isdabamariyay, islamarkaana maanta ay filayaan in su’aallo […]

August 19th, 2018 | Posted in Wararka | Read More »

Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*