|

Abuukar Xaaji Goobdoon “ Saxafi Naftiisa u Hurey Badbaadinta Radio Muqdisho”

Abuukar Xaaji Goobdoon waa Saxaafi ka soo jeeda Qoys Saxaafadeed Aabihii Xaaji Goobdoon 1951 wuxuu ahaa Shiikhii ugu horeeyey ee Qur’aanka ka Akhriya Radio Muqdisho, Walaalkii Cabdi Xaaji Goobdoon Waa Wariyihii ugu horeeyey Madaxweynihii hore ee Maxamed Siyaad islamarkaana Agaasime ka soo noqdey Wasaarada Waraafinta iyo Wasaarado kale, Cumar Xaaji Goobdoon Waxaa uu Barnaamij soo saare ka ahaa Talefishinka Qaranka, Cismaan Xaaji Goobdoon Waa Farsamayaqaan ka tirsanaan jirey Radio Muqdisho sidaa darteed Waxaa Qoraal cabasho ah naga soo gaartey Abuukar Xaaji Goobdoon oo isna ka mid ahaa ardeydii ka qalin jabisey Kuliyadda Saxaafada islmarkaana ahaa Barnaamij soo saare Radio Muqdisho waxay Cabashadiisa u qorneyd Sidatan.

Abuukar X Goobdoon
5 tii Juun 1993 Ciidamadii Anisom ee uu Mareykanka Horkacayey waxay soo Weerareen Radio Muqdisho kuwaas Radiyaha u geystey Burbur iyagoo Xiligaasi Gen Caydiid kala Dagaalamayey Dhinaca Warbaahinta,12 Juun ee isla Bishaasi waxaa Radiyaha loo geystey Duqeyn aad u balaaran waxaa geytey Diyaaradihii Cidamadii Mareykanka waxayna Duqeyntaasi ay Burbur Lixaad leh u geystey Sideedii Istudio iyo Weliba Kaydkii Cajaladaha , markii Xayiraadaasi la saarey Gen Caydiid Shaqaalihii wey kala tageen .
Markii aan arkey Dhibaatada Baaxadda leh ee gaartey Radio Muqdisho waxaan bilaabey in aan is Xilqaamo ogaadeyna in wax badan la badbaadi karo ,markii aan arkey Sideedii Studio iyo labadii Qol ee Keydka Cajaladaha oo Saqafkii shubka uu ku soo dumey , markii aan arkey Dhibaatada kale ee gaartey Dhinaca Matoorada iyo Janaranjaradii Idaacada oo Bubursan ayaa Baaritaan aan sameeyey ayaa ku ogaadey in aaney jirin wax Gubasho ah oo dhibka uu weyn uu yahay Shubkii oo ku kor dumey , waxaa 15 kii Bishii Juun 1993 dii bilaabey in aan Xooga saaro sidii aan ku badbaadin lahaa Taariikhdii Ummada Soomaaliyeed .
Idaacacadda ayaan ka dhigtey meel aan Seexdo waxaana igu Wehliyey Marxuum Xasan Aaya Boqore , Dhex joogaasi wuxuu keeney in dad badan oo doonayey in ay Bililiqeystaan aan ka hor istaago , laakiin waxa Khatarteeda lahaa Roobabkii Da’ayey , waxaana Bishii Luulyo aan tagey Xarunta Bisha Cas ee ku taalo Soobe oo aan kula Kulmey Xoghayihii Xiligaasi Mudane Abtidoon , waxaana uga waremy Duruufaha Iyo Dayacaada haysata Radio Muqdisho , isla maalinkii ayuu Abtidoon Idaacada ugu Deeqey Boqol Bacayaasha Waaweyn ee leh Xarkaha si Saqafka kore looga daboolo taasoo waxtar weyn yeelatey iyo Caymin .
Isla Bishaasi ayaa waxaa Xarunta Radio Muqdisho nagu soo booqdey Xasan Faarax Axmed oo ka tirsan Saraakiisa Bisha cas ee Martiini markii uu u kuur galey Idaacadda , wuxuuna Si shaqsiyan ah Go’aan ku gaarey in uu dhiso Sedeeda Studio iyo Keydka Cajaladaha iyo Albaabka laga soo galayey , waxaana Qiyaasayaa in dhismahaasi uu ku baxay 10 kun oo Doolar , Mudadaasii aan Howsha Idaacada aan wadey Idaacada Ma Shaqeyneyn , hase yeeshee waxaa jirey Idaacad yar oo Dhuumaaleysi ah oo taageeri jirtey Gen Caydiid .
Runtii Mudadaas Sannadka iyo Barka ah ee Idaacada gacanta ku hayey waxaa jirey isku dayo badan oo ay sameeyeen dad Hubeysan oo doonayey in ay Biliqieystaan Keydka Qaranka dhab ahaantii waa Alle Mahadiis Dhamaan isku dayadaasi waa dhicisoobeen hase yeehsee isku Dayadaasi waxaan uga gudubney si Geesinimo leh hawshaas Idaacadaas ee aan ka soo qabaney iyo Badbaadintaasi waxay ahayd Maslaxada Guud ee Dalka iyo Qaranka Soomaalieed , waxaana Marag ma doonto ah taariikh kastoo wanaagsan waxaa jira dad isku daya in ay marin Habaabiyaan islmarkaana ay sheegtaan wax aysan shaqo ku lahayn.
waxaan aad ugu xumahay aniga oo ku hadlaya magaca dadkii Badbaadiyey Radiyo Muqdisho iyo Keydkiisa Cajadaha in dhawaan Masuuliyiin ka tirsan Warfaafinta ay ugu gudbiyaan Xafiiska Raiisul Wasaarah shaqsi Booliis ah oo uu Xuseen Caydiid Beel ahaan ku geeyey Keydka Cajadaha in uu yahay ninkii Badbaadiyey Radio Muqdisho Wuxuuna Raisul Wasaarahan uu u soo qorey lacag laba kun oo Doolar ah,marka waxaan leeyahay Taariikda ayaa Xusi doonta dadkii Badbaadiyey Dhaxalkaas Qaran.

Abuukar Xaaji Goobdoon1
Abuukar Xaaji Goobdoon E-Mail inagobdoon114@hotmail.com
E-Mail inagobdoon114@gmail.com
00252615505064

W/D Amiin Yuusuf KhasaaroE-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Web Updating, Somaliweyn Website contact@somaliweyn.com www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!
Posted by on Mar 7 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Abuukar Xaaji Goobdoon “ Saxafi Naftiisa u Hurey Badbaadinta Radio Muqdisho””

  1. arrintaan waa in wax laga qabto oo ninkaan abaal-marin la siiyo. si fiican Soomaaliweyn.

Halkaan hoose ku qor fikradaada talo, toosin iyo la talin ah ee aad ka qabto warka sare ku qoran, lama aqbali doono fikradaha aflagaadada iyo meel ka dhaca ah